|
SYL
Xaflada Lagu Weyneynaayo Munaasabadda Maalinta
15ka May oo lagu qabtay wadanka
Finland.

Dadka Somaliyeed waxa ku weyn xuska Maalinta dhalinyaradda Somaliyeed ee
15-May waana Maalinta la aasaasay Ururkii Dhalinyaradda
Somaliyeed ee SYL kaasi oo ahaa midkii dhaliyey xoriyadda Maanta
ay Somalida ku faanaan, iyaddoo Maanta taasi laga wada dareemayo
xuskeeda Maalkasta oo Somalia ka mid ah ama ay Somali ku nooshahay,
Hadaba iyadoo laga anbaqaadaayo
taariikhdii wanaagsaneyd oo ay shacabka soomaaliayeed u horseedeen 13
kii SYL aas aastey. kaas oo halgan lama ilaabaan ah usoo galey xornimada
dalka manta aan haysano
hadaba ururka layiraahdo
Farmajo ry
ayaa wuxuu koob u dhigay dhalin-yaro da, yar iyo kuwa
da,waa-weynba oo ku-nool wadanka Finland qaasatan magalaada
Vantaa ee xaafada Koivukylä,
koobkan oo ahaa mid loogu magacdaray maalintii dhalinyarada soomaaliyeed
ayaa waxaa ka soo qeeb galay 4 kooxood oo ka dhisan magaalada Vantaa ee
wadanka Finland, kooxa-haas oo lakala yiraahdo kooxda Myyrmäki iyo
kooxda Koivukylä oo ahaa ayaggu qeybtii waa-weyneed,waxeyna guushu ku
raacday garoonkii weynaa ee Koivukalan kooxdii Myyrmäki. sikastaba ha
ahaatee waxaa kulankan qudbad dheer ka jeediyay Ingineer Abdirahman
mohamed farah. ingineerka oo badanaa qudbadiisii ay ku saabsaneed
waxtarkii tayada-lahaa ee ururkii SYL, wuxuu kaloo ka-hadlay
xaalada uu maanta wadanka ku sugan yahay. asagoo ku tilmaamay xaalad
murugeysan,
waxaa kaloo asna goobtii ey cayaaraha ka dhaceysay ka hadlay HASSAN
OSMAN ABUKAR
oo loo yaqaano (Caruuska) Hasan oo ka warbixiyay doorkii ey ka
cayaareen 13 dhalinyaro xoriyadda eynu haysano
maanta,wuxuuna sheegay in ey tahay door taariikh ah, si kastaba ha
ahaatee waxaa ka dhacday garoonkii kubada cagta ee Koivukylä cayaar aad
u xiisad badneyd oo dhax-martay kooxihii loo dhigay koobkii SYL.
qaban qaabi-yaashii koobkan loogu magacdarey maaalintii SYL ayaa
waxaa ka mid ahaa
ingineer Bashiir Ibraahim Roble iyo Osman Hassan oo loo
yaqaan (karooska)
iyo Abdiqadir Jamac oo ku magacdheer (Camow) iyo
Mahamed osman asna loo yaqaan (Abuu)
iyo dadyow faraban oo halkan aan ku soo koobi karin,
Fiirso Sawirada
Munaasabada oo dhan








diyaariye,: abdishakuur moalin ahmed
|