Ethopiya oo Gumaysi ku haysa Shacabka Magaalada Muqdisho

 

 

 

 

 

 

Kaaraha Itoobiya Oo Maanta Caasimada Soomaalia Muqdisho Dhex Taagan: Maaliin Taariikheed Oo Madow(28.12.2006)

ďopiopo

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kaaraha Itoobuya oo garoonka muqdishu dhex taagan 28.12.2006 (sawika AFP

 

 

 

 

 

 

 

 

Ciidanka Itoobiya oo Muqdishu hub ka baaraya 15.01.2007 (sawirka AP)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cali Maxamed Gedi oo diyaarad milateri Itoobiyan ah ay keentay Afgooye. 29.12.2006 (Sawirka AP)

Karayasha Itoobiya oo tagan dekada Muqdishu 28.12.2006

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Nin Itoobiya taageeray igu tol ma ahan” Muduloodka Norway

 

Qoraal ay soo gaarsiiyeen caawo shabakadan waxgaradka beesha Mudulood ee ku dhaqan dalka Norway ayaa u qornaa sidatan:-

 

“Annagoo waxgaradka beesha Muduloodka ee ku nool Yurub, gaar ahaan wadanka Norwey waxaan si cad u naqdineynaa in aan ka soo horjeedno warar ku soo baxay website-yada qaar oo la soo geliyey qoraal lagu abuuranayo magaceena, haddaba dhamaan umadda Soomaaliyeed waxaan u cadaynaynaa in aan ka xunahay wararka ay qoreen dad magacyadooda qariyiyey, waxaana haddii aan nanahay waxgaradka beel weynta Mudulood aan cadeyneynaa in aan taageersanahay nabad kuwada noolaanshaha iyo deriswanaaga Soomaalinimo, si buuxdana aan u gacan siineyno muqaawamada iyo hogaankooda oo ay ugu horeeyaan culimada iyo waxgaradka oo aan ku taageereyno sidii cadowga dalka looga xorreyn lahaa, waxaan idiin cadaynaynaa inaan raali ka ahayn marnaba dhamaan inta ka qayb qaadatay dhibaatada umadda Soomaaliyeed in magaca qabiil ee ay nala wadaagaan darted ay nagula soo galgashaan, waxaan taageersanahay inaan ka qayb qaadano sidii wadanka dib looga xoreyn lahaa cadowga haysta waxaan umadda Soomaaliyeed ku boorineynaa in ay ka qayb qaataan halganka lagula jiro gumaysiga lalana xisaabtamo u shaqeya gumaysiga lagana foojignaado siyaasadaha guracan ee uu gumaysigu ku adeegto ee ah qeyb oo xukun, haddaba ugu danbeyntii waxaan leenahay dabodhilif igu tol ma ahan”

 

Warkaan waxaa soo saaray guddiga isku dhafka ee Mudulood


Guddiga Odayaasha
C/laahi Cali Cumar
Xaaji Maxamuud Abgaalow
Col. Shahar
Xaaji Axmed dheere


Guddiga Culimada

 

Sheekh Axmed Cabdi
Sheekh C/casiis Maxamuud Kuusow
Sheekh Macalin Daahir Maxamed Caddow
Sheekh C/kariin Nuur

Guddiga dhalinyarada

Maxamuud Macalin C/lle
Xasan Aaden Duwe
Zakariya Cabdi Kaabaroole
Eng. Abaadir

 

Guddiga haweenka

 

Xalima Abuukar Caddaani
Sahra Abuukar
Muno Maxamuud Abgaaloow
Deeqo Cabdi dhagacade

Waxii intaa dheer kala xariir bayaankaan Emeylkaan kamulusow@hotmail.com

 

 

Cabdishakuur Cilimi Xasan
cabdishakuur48@live.com

 

 

 

 

 

 

 

 

cigonet.com.

 

 

 

 

 

webmaster@cigonet.com