|
Ciidamada gumaystaha Itoobiya ee ku
sugan
magaalada Baydhabo ayaa dhowr qofood oo rayid ah kudilay gudaha
magaaladaas iyadoo aysan jirin cid wax ku tuurtay ama qarax la beegsatay!
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa wararku sheegayaan inay magaalada gudaha
usoo galeen iyagoo halkaasi ka dhaansanayey biyo ay ciidamadooda u
wadeen. Dadka rayidka ah ee la dilay ayaa iyagu isaga cararay ciidamada
Xabashida marki ay muuqa ciidamadaasi arkeen. Ayaan darro kuma aysan
baxsan cararkaasi oo ciidamada Xabashida ee cabsi ku joogga ah ayaan
arxan darro iyo cabsi is huwan darteed xabbado magaalada laga maqlay ku
furay dadkaa sii kala yaacayey.
Inta la hubo ilaa laba qof ayaa ku dhimatay, tiro dhaawacna ahna waa
ay ka dhalatay rasaastan ay ciidamada Itoobiyaanku ku fureen shacabka.
Ma jrin cid ka mid ah TFG-da oo ka hadashay dadka gardarrada loogu dilay
degaankoodii iyo guryahoodii, sidoo kalena hay'adaha Midawga Afrika,
Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay iyo dawladaha dunidan uga
taagta roon ayaan iyagu wax caanbaarayn ah usoo jeedin gummadka iyo
gawraca ciidamada xabashidu ka wadaan gudaha Soomaaliya, waxaana ilaa
haatan dhagaha laga furaysanayaa in la sameeyo Maxkamad baarta danbiyada
dagaal iyo xadgudubyada ay shacabka Soomaaliyeed kula kacayaan Xabashida
iyo maleeshiyaadka Soomaalida ee dhibaatada wayn ku haya shacabka
Soomaaliyeed ee tabaalaysan.
|