|
Dowlada China oo
Cambaareysay Duqeyntii ameerikaanka u gaystay Dalka Soomaaliya
Wasiirka Arimaha Dibada Dalka china ayaa cambaareyay
weerarkii ay diyaaradaha Mareeykanku ku qaadeen Magaalada Dhuusa Mareeb
ee xarunta u ah gobolka Galgaduud.
Dowlada China ayaa ku dhaleecaysay ameerikaanka Duqeeyntii ay dhawaan ka
geeysteen qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya, taas oo ay ku tilmaameen Mid
sharci dara ah oo lagu laynayo dad shacab ah.
China ayaa duqeeyntaasi ku sheegatay Mid ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha,
taas oo meesha ka saaraysa sheegashada ameerikaanka ee ah inuu ilaaiyo
xaquuqda insaanka.
Sidoo kale Dowlada Wadanka China waxa ay walaac baan ka muujisay
xaaladii ka dhalatay weerarkii ay mareeykanka ku qadeen Magaalada dhuusa
Mareeb ee gobolka Galgaduud asbuucii La soo dhaafay sida lagu yiri war
qoraala oo ka soo baxay China.
Dowlada China ayaa saxaafada caalamiga ah ku eedaysay in ay indhaha Ka
laabteen Dhibaatadii ay mareekanka ka geeysteen Gudaha Dalka Soomaaliya
sida ay sheegaty xukuumada shiinaha.
Xafiiska Wararka Soomaalinews, Muqdisho |