Ethopiya oo Gumaysi ku haysa Shacabka Magaalada Muqdisho

 

 

 

 

 

 

Kaaraha Itoobiya Oo Maanta Caasimada Soomaalia Muqdisho Dhex Taagan: Maaliin Taariikheed Oo Madow(28.12.2006)

ļopiopo

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kaaraha Itoobuya oo garoonka muqdishu dhex taagan 28.12.2006 (sawika AFP)

 

 

 

 

 

 

 

 

Ciidanka Itoobiya oo Muqdishu hub ka baaraya 15.01.2007 (sawirka AP)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cali Maxamed Gedi oo diyaarad milateri Itoobiyan ah ay keentay Afgooye. 29.12.2006 (Sawirka AP)

Karayasha Itoobiya oo tagan dekada Muqdishu 28.12.2006

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Godoomiyaha Golaha Fulinta Maxaakiimta islaamiga Iyo Gudoomiyihii hore ee Golaha Barlamaanka oo warsaxaafadeed soo saaray

 

 

War Saxaafadeed ku saabsan xaalad uu dalka marayo oo ay si wada jir ah u soo saareen Gudomiyaha Golaha Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo Gudoomiyii hore ee Baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, warsaxaafadeedkaas oo ay nuqul ka mid ah hesha Goobjoog aya ahaa sidatan.

 

1- Joogitaanka ciidamada ku soo duulay dalka iyo ficillada isir sifaynta ah ee ay kula kaceen dadka soomaaliyeed loona fuliyay si qorshaysan iyo waxa kadhashay oo ah dil, burbur , barakac , xarigga joogtada ah iyo boobka hantida dadweynaha waxay muujinayaan in uu dalku ku jiro gumaysi.

2-Iska caabinta shacabka ee barakaysan kuna dhisan naf hurnimada waxay cadawga gaarsiisay khasaarooyin xooggan .

 

3- Wax iska caabintu waxay badashay istaraatiijiyadeedii dagaal , waxayna qaadatay istiraatiijiyad cusub oo ku haboon xaaladda cadawga. wayna soconaysaa inshaa ALLAH ilaa lagu guulaysto in dalka laga saaro cadawga .

 

4- In laga tanaazulo iska caabinta iyada oo uu gumaysigii jiro waxay u hiillinaysaa cadowga , waana arrin uusan marnaba aqbalayn shacabka soomaaliyeed .

 

5-Waxaa lagama maarmaan ah in uu shacabku ku baraarugo qorshaha lagu keenayo ciidamo shisheeye in uu yahay mid lagu xoojinayo gumeysiga dalka qabsaday, taasina waa arin aan marnaba la aqbali karayn.

 

6- Shacabka soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa meel kasta oo ay joogaanba in ay joogteeyaan wax iska caabinta aysanna aqbalina heeryada gumaysiga .

 

7- Waxaan ka xunnahay aamusnaanta beesha caalamka ee ku aadan waxa ka socda soomaaliya iyo xaaladda bani aadminimo ee gaartay meel aan la tilmaami Karin , sidaas darteed ayaa waxaan ugu baaqaynaa bulshada caalamka inay ka qayb qaataan bixinta ciidamada cadawga , nabad galyada dalka , iyo in gargaar degdeg ah lala soo gaaro shacabka soomaaliyeed .

 

War saxaafadeedkaan ayaa ku soo beegamay xili uu gabi ahaanab joogsaday dagaalkii wax iska caabinta ahaa oo ay kooxaha muqaawamad kula jireen ciidamada tigreega ee ku soo duulay soomaaliya, iyadoo ay horay u sheegeen qaar ka mid ah masuuliyiinta  kooxa wax iska caabinta in la badalay istiraatiijiyadii dagaalka

 

 

webmaster@cigonet.com