![]() |
![]() |
![]() |
|||
|
|||||
|
AQOONTA JAHLIGA LOO LEGDEYE LAGA ADKEYSIIYEY AAKHIRKEEDU SUU NOQOYO WAA LA ARKI DOONAAYE!!
Sadarradaas aan cinwaanka uga dhigey qormadan waxaan ka soo qaatey gabay dheer oo uu tiriyey Allaha u Naxariistee Abwaan C/lle Raage Taraawiil. Gabaygaas waxa uu abwaanku isaga oo la yaabanaa sida ay wax u waddo dawladdii MSBarre u bixiyey AMAKAAG. Laakiin amakaag la mid ah tan maanta taagan hore Soomaaliya ugama dhicin. Mid kaloo ka daran baase dhici doonta oo la arki doonaa.Siyaasada Soomaaliya waxaa muddaba isku hayey oo xarig-jiidku u dhexeeyey kooxo magacyo kala duwan kala watay laakiin ujeedada ka mideysan oo ah inay iyaga oo aan tixgelinayn rabitaanka shacabka ay xukunka xoog ku qabsadaan iyaga oo adeegsanaya awoodda qoriga ama cudud shisheeye. Kooxahaasi oo halganka xaq-darro xukun ku-doonka ah muddo dheer soo wadey tan iyo intii calanka la qaatey hadana waxaa damacooda waalida ahi si weyn u soo baxay markii ay dhacdey dawladdii MS Barre oo iyaduba markii ay bahal-dadkeeda cuna isu bedeshey lagu ridey kacdoon dadweyne. Isla markii ay dhacdey dawladdaas ee horraantii 1990-kii waxaa xukunka u soo tafaxaytey kooxo isku dayey inay xukunka qabsadaan si horornimo ah iyaga oo aan marna doonayn in si nidaamsan oo aan awood sheegad ahayn ay xukunka ku gaaraan dalkana sidaas ku xukumaan, iyadoo hammigoodu ahaa inay halkii ka sii wadaan nidaamkii eexda iyo caburrinta ku dhisnaa ee dawladdii la ridey. Halgankaas xaq darro ee ay kooxahaas wadeen waxaa had iyo goor hareer socdey halgan kale oo kooxahaas horornimadooda ka hor jeeday, bulshaduna waxa ay u kala qaybsanayd taageerayaasha kooxahaas sida qawlaysata-nimada ah xukunka u goobayey iyo kooxo had iyo goor magacyo lagu ceebeynayo loo bixin jirey maadaama laga badan yahay, ayna diideen inay xaaraan dal-dalashada iyo xaq-darradaas ka qayb galaan. Kooxaha aan ka hadlayo ma ahan mid ku dhisan hab beeleed ee bulshada ayaa labadaas garab u kala qaybsanayd. Tusaale ahaan Sh. Shariif, Geeddi iyo Salaad Cali Jeelle waa isku beel hadana isku jufo waxayse kala hoggaamiyaan laba garab oo is diidan sida Cabdi Qaybdiid iyo Prof. Ibraahim Caddow, Qanyare iyo iyo Sh. Janaqow, Cabdi Waal iyo Aadan Xaashi Cayrow IWM, inkastoo beelaha qaar ay ku kala badnaayeen taageerayaashu dhinacyada ay ka soo kala jeedaan. Ogowna mar kasta xaqa iyo baadilka waxaa aqlabiyadda ama tirada badan hela safka ay ku joogaan xoogagga baadilka horkaca in kastuu xaqu mar kasta ciribta dambe leeyahay.
Halgankaas ay labada dhinac ka kala wadeen xoogaggii kala hoggaaminayay labadii dhinac ee is hortaagnaa waxaa uu marba heer soo maroba waxaa uu meeshii ugu sarreyeysey gaarey xilligii ay soo baxeen Maxaakiimta Islaamiga ahaa oo noqdey xoog ay ka hor tegidoodu ku filnaan weydey xoogaggii hore xaqdarrada iyo sharta isugu bahaysan jirey iyo kuwii gargaari jirey ee dalalka aan deriska nahay wuxuuna gaarey heer adduunka oo dhan ay isbahaysigii xaq-darradu iskuqaylo-dhaansadaan si looga hor tago kooxdaas ka hor jeedda cadawgana ku ah waxa ay doonayaan.
Kooxda Imbaghatti ayaana noqotey midda loo arkey inay isu keeni karto dhammaan qaybihii halganka xaq-darro wadey, waxayna noqotey mid lagu hoos midoobo oo magaceeda lagula diriro ilayskii ka soo iftiimey Geeska Afrika. Cududda loo adeegsadey in ilayskaas lagu baqtiiyona waxaa uu noqdey Askari iyo taangi Itoobiyaan, Mooryaan iyo Jirri uu dagaal ooge hoggaaminayo.
Natiijadiina waxay noqotey in caqligii iyo aqoontii
loo gacmo qabtay jahligii. In umadda kuwii wanaagsanaa ee hoggaamiyaasha
runta ah ahaa looga hiiliyo oo loo legdo lagana adkaysiiyo kuwii sharta ahaa
ee aan aqoonta lahayn, waxase ay taasi dhaxasho waa qodob maalin kale ay
taariiqdu werin doonto oo heerka ay ku dambayso la sugayo.
C/qaadir Guutaale Xigasho: Dhagaxtuur.com
|