Ethopiya oo Gumaysi ku haysa Shacabka Magaalada Muqdisho

 

 

 

 

 

 

Kaaraha Itoobiya Oo Maanta Caasimada Soomaalia Muqdisho Dhex Taagan: Maaliin Taariikheed Oo Madow(28.12.2006)

ļopiopo

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kaaraha Itoobuya oo garoonka muqdishu dhex taagan 28.12.2006 (sawika AFP

 

 

 

 

 

 

 

 

Ciidanka Itoobiya oo Muqdishu hub ka baaraya 15.01.2007 (sawirka AP)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cali Maxamed Gedi oo diyaarad milateri Itoobiyan ah ay keentay Afgooye. 29.12.2006 (Sawirka AP)

Karayasha Itoobiya oo tagan dekada Muqdishu 28.12.2006

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Mudaharaad looga soo horjeedo joogitaanka ciidamada Itoobiya ay joogaan Soomaaliya iyo xasuuqa ay ka geysteen oo ka dhacay Helsinki.

Fiirso Mudaaharaadka(Video)


Mudaaharaad aad u weyn oo looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya ee xooga ku qabsaday qabsaday Soomaaliya 28.12.2006 ayaa ka dhacay magaalada Helsinki ee wadanka Finland.

 

Mudaaharaadka oo ahaa mid aad u weyn si wanaagsana loo soo abaabulay ayaa waxaa uu ka bilawday 14:20 diqiiqo xiliga Finland baarlamaanka hortiisa halkaas oo ay qudbado kasoo jeediyeen aqoonyahano iyo culimaa u diin iyo waxgarad soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Dr. Axmad Xiji , Sheekh Shiiqow , Eng. Idiris  iyo waxgarad kale.  Mudo kadib waxaa banaan baxayaashu bilaabeen inay socod ku maraan bartamaha magaalada Helsinki ilaa safaarada Maraykanka.

Ka soo qeyb gala yaasha oo isugu jiray rag, dumar caruur waxaa ay wateen boorar ay ku sawiran yihiin dad Soomaaliyeed oo ay ciidamada Itoobiya xasuuqeen, waxaa ayna ku dhawaaqayeen: AAWAY CADAALADII ,  HA DHACO DABADHILIF, HA DHACO MELE-ZANAWI , SOOMAALIYA NABAD iyo iwm.

Markii la tegay safaarada maraykanka waxaa ay banaan baxayaashu ku tukateen saladii maqrib kadib waxaa ay bilaabeen in ay ku dhawaaqaan erayo ay ku muujenayeen cabashadooda. Waxaa xusid mudan in ay goobjoog ahayeen Tv-yada wadanka Finland iyo qaar kale kuwaas oo wareysi la yeeshay qaar kamid ah banaan-baxayaashii Soomaaliyeed

waxaana laga fiirsaday TV1ka Finland Soomaalidii mudaaharaadaysay iyo waraysiyadii la qaaday waxaa kale oo xusid mudan in wariyii aqrinayay warka uu ku daray warkiisa in Soomaalidu maanta ay ka mudaaharaadayaan wadama badan aduunka si ay u muujiyaan dhibaatada wadankooda ay ku hayaan ciidamada Itoobiya oo sanadkii hore maalintan 28.12.2006 oo kale galay Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

Cabdi Macalin Cumar

 

 

 

 

 

webmaster@cigonet.com