![]() |
![]() |
![]() |
|||
|
|||||
|
Ciidamada Itoobiya oo gabaad ka dhigtay degmooyinka
Karaan , Shibis , C/casiis iyo Yaaqshiid.
Ciidanada Itoobiya iyo maleeshiyaadka kooxda Imbagati ayaa gabaad ka dhigtay goobaha ay degan yihiin dadka rayidka ah isla markaasna ridaya madaafiic aan loo meel dayin. Ciidamada Itoobiya oo markii hore madaafiicda ka ridi jiray Villa Soomaaliya , wasaarada gashaandhiga , iyo xeradii Asluuta lakiin hada waxaa muuqata in ciidamada Itoobiya ay dhax galeen xaafadaha dadka shacabka ah deganyihiin iyagoo gabaad ka dhiganaya.
Ciidamada Itoobiya waxaa ay baro ka sameysteen xafadaha C/casiis , Shibis ,Karaan iyo Yaaqshiid si ay uga ridaam madaafiicda PM iyo hubka cul culs xafadahan ayaa ah kuwo si aad ah loo degan yahay. Tusaale ahaan maalmihii ugu danbeeyay ciidamada Itoobiya waxaa ay madaafiic ka ridayeen Dusiga sare Maxamuud Axmed Cali oo ku yaala goob aad loo degan yahay sidoo kale Xaruntii gaadiidka biliiska iyo goobo kale.
Waxaa iska cad in Itoobiya xasuuq ka wado Soomaaliya waxaase layaab leh in kooxda Imbagati ku hadaaqdo in ay rabaan in soomaaliya ay nabadeeyaan. Ilaahey ayaa awooda leh gumeysiga iyo dabadhilifkiisuna waxaa ay noqon doonaan kuwa ku danbeeya jabka ummada soomaaliyeedna way guuleysan doontaa.
Xasan Cali Geela " Mogadishu"
|