![]() |
![]() |
![]() |
|||
|
|||||
|
Dagaalka Muqdisho:Ciidamadda Itoobiyanka ayaa laga saarey maanta goobo ay hore u joogeen
Dagaaladii ka soconayay magaalada caasimadda ah ayaa maanta sii xoogeystay kadib markii gadaal loo xiiray ciidamada Itoobiyaanka oo ay dagaalo qaraar dhex marayaan maalintii 7-aad ciidamo diidan joogitaankooda dalka Soomaaliya.
Dagaalkan ayaa maanta la sheegay in laga qabsaday ciidamada Itoobiyaanka igoyska Towfiiq ee Waqooyiga Muqdisho oo ay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiyaanka, waxayna wararku tilmaamayaan in hotelka Bin cali oo ay saacadihii la soo dhaafay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya laga saaray ayna ku egyihiin ciidamada Itoobiya haatan daarta ay leedahay shirkadda Somalipost oo iyadu u jirto qiyaastii igoyska Towfiiq in ka yar 500 oo Talaaob.
Dagaalka oo maalinta aad u kululaa ayaa waxaa la soo sheegayaa dhimasho badan oo labada ciidan ah, iyadoo ay yareyd dhimashada dadka rayidka ah maadama ay xaafaduhu faaruq taagayaan, inkastoo ay jiraan dad rayid ah oo maanta ku geeriyooday qeybo ka mid ah Muqdisho oo ay kula dhaceen madaafiic, kuwaasoo la xaqiijiyay inay ilaashanayeen guryahooda.
Dadka maanta geeriyooday ee ay madaafiicdu ku habsadeen ayaa waxaa ka mid ahaa aabaha dhalay maareeyaha shirkadda Global oo lagu magacaabi jiray Guure, iyadoo isaga iyo odayaal badan oo goob ku taala xaafada Ex. Kontorolka Balcad uu ku soo dhacay madfac aad u weyn, halkaasoo uu ka geystay dhimasho iyo dhaawac badan.
Sidoo kale, isbitaalada magaalada ayaa sidoo kale la dhigay dhaawacyo aad u tiro badan, iyadoo isbitalka SOS ee magaalada Muqdisho uu isku bedelay isbital guud oo la dhigo dadka dhaawayada ay soo gaaraan, waxaana saacadihii la soo dhaafay la dhigay dad aad u tiro badan oo rayid ah kuwaasoo ay waxyeelada ugu badan gaarsiisay madaafiicda Itoobiyaanka.
|