Ethopiya oo Gumaysi ku haysa Shacabka Magaalada Muqdisho

 

 

 

 

 

 

Kaaraha Itoobiya Oo Maanta Caasimada Soomaalia Muqdisho Dhex Taagan: Maaliin Taariikheed Oo Madow(28.12.2006)

ïopiopo

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kaaraha Itoobuya oo garoonka muqdishu dhex taagan 28.12.2006 (sawika AFP)

 

 

 

 

 

 

 

 

Ciidanka Itoobiya oo Muqdishu hub ka baaraya 15.01.2007 (sawirka AP)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cali Maxamed Gedi oo diyaarad milateri Itoobiyan ah ay keentay Afgooye. 29.12.2006 (Sawirka AP)

Karayasha Itoobiya oo tagan dekada Muqdishu 28.12.2006

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

warsaxaafadeed ay caawa soo saareen Golaha Maxaakimta Islaamiga ah iyo Xubnaha Barlamaanka Xorta ah ee ku sugan dalka Eritrea, warsaxaafadeedkaas oo arimaha siyaasada ee iminka socda taabanayay ayaa waxaa ku saxiixnaa Shariif Xasan Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliyeed iyo Sheekhj Shariif Gudoomiyaha Golaha Fulinta Maxkamadaha Islaamiga isagoo dhameystiran

 

War Saxaafadeedkii oo dhameystiran 
Asmara 22. 05.2007

Waxaa si wada jir ah Golaha Maxaakimta Islaamiga ah iyo Xubnaha Barlamaanka Xorta ah ee ku sugan dalka Eritrea magaala madaxdiisa Asmara ay  ku baaqayaan qodobada  soo socda ee ku wajahan arrimaha Soomaaliya:

1. Xaaladda Dalka:
dalka iyo dadka Soomaaliya waxa ay u gacan galeen cadow gumaysi ah ka dib markii ciidamada nadaamka Addis-ababa ee  Malas Zanawi madaxda uu ka yahay ay ku soo duuleen qabsadeenna dalka Soomaaliya.
 
2. Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed: 
waxaan u aragnaa in dib-u-heshiisiin Soomaaliyeed oo dhab ah ay tahay lagama maarmaan, hase ahaatee sidii cadowgu dalka u qabsadayba waxay adeegayaasha gumaysigu ku hadaaqayeen in ay qabanayaan shir dib-u-heshiisiin ay ku tilmaameen, kaasoo ay uga dan leeyihiin arrimaha soo socda:
• In lagu sharciyeeyo gumaysiga dalka qabsaday
• In u adeegayaasha gumaystuhu ay ku nolol dheeraystaan isukna muujiyaan dad dib-u-heshiisiin ku hawlan.
• In ummadda Soomaaliyeed looga jeediyo halganka iska caabinta gumeystaha iyo dib-u-xoreynta dalkooda.

Haddaba, waxaan ummadda Soomaliyeed, dawladaha Carabta  iyo beesha caalamkaba ogeysiinaynaa arrimaha hoos ku qoran:

 •In wax shir ah oo dib u-heshiisiin ah uusan dhici karin inta dalka Somaaliya uu gacanta ugu jiro gumeystaha taliska Ethopia.
• In dadka Soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin la dagaalanka gumeysiga aysan jirin wax  dagaallo beeleed ah oo iyaga  dhexyaalla.
•Waxaan qabnaa in dib-u-heshiisiin run ah oo dhammaysa khilaafaadka siyaasadeed ay imaan karto dadka soomaaliyeed oo u madax banaan danahooda in ay ka tashadaan iyagoo aan  gumeysi gacantiis ku jirin.

Sidaa darteed waxaanu ugu baaqeynaa ummada Soomaaliyeed meel ay joogtaba ineeysan dheg jalq u siin qorshayaasha gumeysigu u adeegsanyo kuwa uu ku shaqeysto ayna ka fogaadaan ka qeybgalka shir weyne ku sheega dib-u-heshiisneed ee loo muddeeyay 15-june 2007. Sidoo kale waxaan beesha caalamka gaar ahaan dawladaha iyo hay’adaha deeqda  bixiya ugu baaqeynaa ineysan gacan siin, dhaqaalana ku bixin  mashruucaas gumeysigu ku xalaaleysano haysashada dalka Soomaaliyeed.

3. Waxaannu soo dhaweyneynaa mawqifyadii siyaasadeed ee u dambeeyay ee ka soo baxay shirkii golah Wasiirada Arrimaha Dibadda Midowga Yurub iyo baaqi ka dambeeyay ee ka soo baxay Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada dawlada Talyaaniga (Patrizia Sentinella) oo ku saabsanaa in ay ciidamada gumaysiga Etoobiya si shuruud la’aan ah  uga baxaan dalka Somaaliya.

4. Waxaanu beesha caalamka iyo Qaramada  midoobay ka codsaneynaa dardargalinta baarista iyo sharci horkeenidda dambiilayaasha dagaal ee ku xasuuqay Shacbiga Somaaliyeed  magaala madaxda Muqdisho, iyo magaalooyinka kale ee dalka oo ay ku cadaato in ay lug ku leeyihiin xasuuqa, waxaan sidoo kale eedaynaynaa hor istaaga iyo carqaldeynta lagu hayo hawlaha loogu gurmanayo dadka ka barakacay iyo kuwa ku tabaaleysan gobolada dalka gaar ahaan agagaarka Muqdisho sida hay’adaha samafalkuba ay cadeeyeen.

Ugu dambayntii waxaan shacbiga Soomaaliyeed ku boorinaynaa in ay dar dar geliyaan halgankooda ay ku soo dhacsanayaan gubanimadooda iyo madaxbanaanidooda.

Waxaa wada Saxiixay

1. Shariif Xasan Sh. Aadan
 Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliyeed.

2. Shiikh Shariif Sh. Axmed
Guddomiyaha Golaha Fulinta Maxkamadaha Islaamiga

 

 

 

Xasan Cali Geela  " Mogadishu"

 

 

 

 

webmaster@cigonet.com