Odoyaasha
beelaha Hawiye ayaa soo saaray warbixin ku aadan qasaaraha
uu geystay dagaalka ka socda Muqdisho
Odoyaasha
beelaha Hawiye ayaa soo saaray warbixin ku aadan qasaaraha
uu geystay dagaalka maalintii shanaad ka socda gudaha
magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalka ku eedeeyay inay sii
wadaan dalal uu Mareykanka ku jiro.
Afhayeenka gudiga qiimeyta qasaaraha uu geystay dagaalada
Muqdisho ka socda Xuseen Siyaad Qoorgaab ayaa Idaacada
Simba u sheegay inay ka kooban tahay Khasaaraha Nafeed ee
dagaalka, mid maal iyo bara-kac dadka rayidka ah, waxaana
uu ku qeexay sida soo socota
• Dhimashada cusub ee dadka rayidka 115 qof.
• Dhaawaca cusub 312 qof
• Barakac cusub 70,000 qoys
• Bur burka hantida shan boqol oo malyan oo doollarka
Mareykanka.
Qoorgaab waxuu sidoo kale ku eedeeyay in xasuuqa loo
geysanayo shacabka Soomaliyeed ay 19 bishaan shaaca ka
qaadeen Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf yo Ra'iisul-wasaare
Meles Zenawi.
Qoorgaab ayaa waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay
madaafiicda aadka u daran oo ay ciidamda Ethiopian-ka ku
garaacayaan magaalada Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee, arintaan ayaa kusoo beegmeysa xili
maalintii shanaad dagaalo qasaaro xoogan geystay ay ka
socdaan qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.