Nasrigii xigmad
waayaa ma xannuun baa lagu dheehay!!
Cadaw Soomaaliyeed ayaa
waxa ay si aan gabasho lahayn u dejiyeen qorshe sedax
weji ah, oo ay ku doonayeen wadaaddada mayalka adag ee u
caaboon ku dhaqanka shareecada islaamka iyo
hirgelinteedaba in ay ka masaxaan gebi ahaanba Geeks
Africa. Qorshahaad oo wejigiisii hore (ee ahaa in marka
hore Soomaalida afka la isu geliyo) qeybo ka mida lagu
guulaystay, qeybo ka midana uu wejigabax iyo calool
xumo ku burburay, kaas oo ahaa aasaasidii ururkii
argagixiso la dirrirka ee ay hor boodayeen Qanyare,
Cabdishukri, Cabdiwaal iyo Cabdi qaybdiid, kuwaas oo
ahaa nimankii qandraaska soo qaatay iyo kuwii ay ula
yimaadeen in ay la hirgeliyaan sida Muuse Suudi ,
Maxamed dheere, Xaaraan-ku-naax, Beebe. Waxaana sabab u
ahaa labada is adeegsaday iyo shacabka ay rabeen in ay
danta ka fushadaan oo is diidanaa ama kalsoonidii ay ka
dhamaatay. Ururkii argagixiso la dirrirku ujeedada ugu
weyn ee ay la haayeen waxay ahayd in
1- Dowlada tabarta yar, in sidii tii Cabdiqaasim iyadoo
fadhiid ah waqtigu ku dhaco.
2- Mansabkooda Qabqablenimo in uusan ka lumin, iyagoo
wixii u sii seeta dheeraynaya oo dhanna ku kaceen. Ha
ahaato isbaaro, hoos ka dil kii iyaga ku qabiila ee
madaxa la soo taaga talo ka duwan tan ay ka fushadaan
qabaa-iladooda. Qandraasyo yar yar oo Etoobiya hub ay ku
siiso ugu bedelaan in ay si dhuumaaleysi ah hoosta uga
dilaan dad ay Etoobiya ku tuhmeyso in ay danaheeda ka
soo horjeedaan sida Oromo, Ogadeen iyo Itixaad i.w.l.m.
Isku soo duuboo ururkaas argagixiso la dirirka duligii
ay ummada ku hayeen markii laga xoreeyay neecaaw qabow
baa la helay, nabad iyo cadaalad aan mudo 17 sano ah la
arag baana soo hoyatay. Balse waxaa isweydiin mudan, in
kuwii loogu soo dhiibay ummada nasrigaa yar ee
imtixaanka huwan, in aysan arrinkii u meelmarin si
xikmad, dulqaad iyo qorshe xeeladaysanni ku jirto.
Qaladdadii Maxkamaduhu galeena waxaa ugu muhiimsanaa.
A- Kacdoonkii shacabka oo aysan u balaarin si xikmadi ku
jirto, kana gudbin kari waayay tuhunka ah in (kacdoon
islaamiya uusan ahayn balse ay dan qabiil tahay). Taa oo
ay ku xallin kareen golaha shuurada in ay isimada(
qabaa-ilada) Soomaalida ka simaan. Waxaana qalad ahaa in
hal qabiil, Hawiye, in ka badan 2/3 ay ahaadaan golaha
shuurada; iyo in qaybahooda howl galka ay inta badan
Hawiye kaliya ku koobaan sida madaxa shuurada, Amaanka,
fulinta, Arimaha dibada. Waxaana wax iska cad ah, in
xataa hadii ay ahaayeen kuwo qabyaalad ka hufan; in ay
garan waayeen qabiil qudha in aanu meel marin karin xal
u helista ummad qaranimmadoodii qabyaaladi burburisay.
B-Istaraatiijiyada oo aysan u adeegsan dad aqoon u leh,
waxayna is barbar dhigi kari waayeen sugida inta
dowlada fadhiidkaahi waqtigeeda dhameysaneyso iyo in ay
kado( gaadmo) degdeg ah ku. wajahaan.labadiina tii ay
qaateen(qaladba ha ahaatee) waqti xun bay ku aadiyeen
lana daaheen iyagoo la sugay inta Etoobiya ay ciidan soo
dhoobayso Baydhabo. Haba ugu wacnaato Indha-cade oo
laba-wajiile ku dhex aasan maxkamadaha ahaa, kaa oo
suurta geliyay dabinka maxkamadaha loo dhigay in uu
geliyo. Waxaana marag ma doonto ah. Hanjabaadiisii is
daba jooga ahayd ee i- in Itoobiya hadey todobaad uga
bixi weyso Soomaaliya xoog looga saari doono, aannana
looga hari doonin dhulka ay Soomaalida ka heysato. ii-
Hadii Mareykan arimaha Soomaaliya faraha kala
bixi-waayo in uu Baqtigoota dhulka ku jiidi doono, kana
mid ahaa kuwii horay maydadkooda dhulka ugu jiiday. iii-
In ay kaashan doonaan wixii muslimiin mujaahidiin ah ee
dagaalada ku garab istaagaya, Soomaaliyana ay u furan
tahay mujaahidiinta aduunka..waxaas oo goodin ah iyagoon
tabar ay ku fuliyaan haysan ninkii afka la taagay
miyuuna ahayn laba mid i- badaw aan siyaasad aqoon
ii-ama jaasuus(dabadhilif) maxkamadaha ku dhex aasnaa,
tan danbena u badi. Doonayeyna in mar uun: goortii loo
diyaar garoobo uu ku hogaamiyo dagaal qorsheysan si
maxkamadaha loo burburiyo.
C-Maxkamaduhu, iyaga oo aan dib isu habeyn, deegaanadii
ay qabsadeena si wanaagsan uga howlgelin, kala danbeyn
xumidooda iyo degdegooda sababtayna iyadoo aan munaasab
ahayn; Sheekh Xasan Daahir goob iyo goor aan ku
haboonayn in uu madaxa u soo taagto laguna raaco. Iyadoo
la wada og yahay hogaankiisa sida ay u arkaan ummadaha
dunida gaar ahaan kuwa midnimada iyo horuu kaca
Soomaaliya ayan dani ugu jirin.
Wajigaan qasaarihii uu mareykanku kala kulmay waxaa ugu
muhiimsanaa:
1-Qabqablayaashii qandaraaska la siiyay oo laga
guulaystay. Nacayb shacabku u qabay ka sokoow, iyagii oo
kashifmay, Soomaalidiina ka war heshay in Mareykanku uu
soo adeejiyay.
Wejiga labaad ee ay ugu talo galeen inay ku bedelaan kan
koowaad hadii uu meel mari waayo kaas oo ah. In
Itoobiya qandraas lagu siiyo sidii ay uga hor tegi
lahayd in maxkamaduhu dalka oo dhan qabsadaan, loogana
hor tago dowlad islaamiya in ay Soomaaliya ka dhalato,
arinkaas oo Itoobiya dani ugu jirto a- Dan dhaqaale( in
ay lacag uga cunto Mareykanka iyo inta la saffan). b-
Mid nabadeed (ugaarsi Oromada iyo Ogaadeenka ku
dhuumaalyesanaya ama dagaalka ka soo abaabula
Soomaaliya). c-Sii haysasho dhulka ay Soomaalida ka
heysato.
Wajigaan oo ay hubeen hadii sida loo qorsheeyay uu u
meel maro, in uu wejiga hore kaga fiicannaan doono.
1- Soomaaliya in ay wado la yaqaan kaga hagaagto dannaha
Mareykanka iyo tan Itoobiya.
2-In dowlad ku sheega hebedkaa ee Cabdulaahi Yuusuf
dannaha Mareykanka iyo Itoobiya wakiil uga noqdo, gaar
ahaan wixii la rabo in laga fushado Soomaaliya.
Wajigaan dhibka cadawgu ay kala kulmayaan waxaa ugu
muhiimsan: shacabka Soomaalida inuu ku sii fogaynaya
cadaawada ay u qabaan Mareykanka iyo Itoobiya gaar ahaan
qowmiyada Tigreega. Soomaalida inta damiirka lihi in ay
dagaal iska xoreyn ah kala soo horjeestaan Etoobiya.
Cabdulaahi Yuusuf in uu xukunka ku fara adaygo kuna
dhaqaaqo
caburin shacabkaa taas oo uu ku meel marin karo eex,
gobolaysi iyo qabyaalad.
Wajiga seaxaad ee uu Mareykanku damacsanaa waa hadii
tallo fara ka baxdo, in ay lama huraan tahay gabasho
la'aan in uu Soomaaliya dib ugu soo laabto; sababtuna,
1-Howl galka Itoobiya oo mira dhali waaya.
2-Cabdulaahi yuusuf iyo dowladiisa oo laga awood
roonaado.
4- Maxkamadaha oo dalka gacanta ku dhiga. Xukun
Islaamiyana Hirgeliya.
5-Quwado Mareykanka loolan kula jira oo faraha la gala
Soomaaliya.
6- Ajaanib asal raacyo jidbaysan oo ku soo bata
Soomaaliya.
Wajigaan Dhibka uu Soomaalida u keeni karo waa:
1-Tuhun, xasad, naceyb iyo kala shaki diini ah oo aad
ugu baahdo Soomaalida. Xarakadaha Maxkamadaha raacsan
mooyee iyo kuwa dhexdhaxaadkaa oo sababi karta in ay
isku dhacaan. Ama midkood midka kale ku eedeeyo
basaasnimo.
2-Shacabka Soomaalida oo gaaladu ku badato,
3-Dagaalada oo aan weligood so af jarmi doonnin, jihad
iyo aano joogta ah.
4-Soomaaliya oo ay u badnaan doonto in ay noqoto
saldhigyo militari oo uu Mareykanku ka hago bariga fog,
bariga dhexe, iyo geeska/bariga Africa.
Wajigaan sedaxaad ee (talo fara ka baxday) ah shacabka
Soomaaliyeed waxay kala kulmi Doonaan jab aan kasoo
kabasho lahayn oo ku timaada midnimadooda,
is-aaminkooda, diintooda, dhaqankooda iyo dalkooda.
Dhibka Mareykanku kala kulmi doono waa Dublimaasiyada:
wadamada aduunka oo indhah ku kala furo "Mareykan oo
aan awood kaaga baqini in aanuu ku deyn doonin." Keenina
karta tartan xaga quwadaha, siyaasada xakameynta
nukliyeerka oo faraha ka baxda. Dunida muslimka oo aad u
karaahsato Mareykanka iyo inta la gaashaanbuurtaa.
Wajigan sedaxaad innaba wax faa-iidaa ma u yeelan doonaa
Soomaalida!!!
Maadaama sheekadu noqon doonto: yaannan kugu durdurin
ee i adeec. Iga baro, igulana noolaaw awaamirtayda oo
aad fuliso: sharcigayga oo aad ilaaliso, ixtriraamtidna.
Laga yaabee taa in ay keento qarniyo kedib, Soomaalida
in ay qaadato dhaqanka " shaqsiga iyo aduunyadiisa".
Dhaqankaas oo meesha ka saari doona isku dul noolaadka,
shaxaadka, qabyaalada sida (isla weynida qabiil, is
takoorka xaga guurka iyo is dhexgal la'aanta),
ixtiraamka shaqsiga sida (mad-habkiisa, diintiisa, hab
nololeedkiisa, iyo cabirka fikirka).
Wabillahi towfiiq.
Dr Abdi Abukar Roble.
Drroble99@hotmail.com