Ethopiya oo Gumaysi ku haysa Shacabka Magaalada Muqdisho

 

 

 

 

 

 

Kaaraha Itoobiya Oo Maanta Caasimada Soomaalia Muqdisho Dhex Taagan: Maaliin Taariikheed Oo Madow(28.12.2006)

ļopiopo

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kaaraha Itoobuya oo garoonka muqdishu dhex taagan 28.12.2006 (sawika AFP)

 

 

 

 

 

 

 

 

Ciidanka Itoobiya oo Muqdishu hub ka baaraya 15.01.2007 (sawirka AP)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cali Maxamed Gedi oo diyaarad milateri Itoobiyan ah ay keentay Afgooye. 29.12.2006 (Sawirka AP)

Karayasha Itoobiya oo tagan dekada Muqdishu 28.12.2006

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Nasrigii xigmad waayaa ma xannuun baa lagu dheehay!!

Cadaw Soomaaliyeed ayaa waxa ay si aan gabasho lahayn u dejiyeen qorshe sedax weji ah, oo ay ku doonayeen wadaaddada mayalka adag ee u caaboon ku dhaqanka shareecada islaamka iyo hirgelinteedaba in ay ka masaxaan gebi ahaanba Geeks Africa. Qorshahaad oo wejigiisii hore (ee ahaa in marka hore Soomaalida afka la isu geliyo) qeybo ka mida lagu guulaystay, qeybo ka midana uu  wejigabax iyo calool xumo ku burburay, kaas oo ahaa aasaasidii ururkii argagixiso la dirrirka ee ay hor boodayeen Qanyare, Cabdishukri, Cabdiwaal iyo Cabdi qaybdiid, kuwaas oo ahaa  nimankii qandraaska soo qaatay iyo kuwii ay ula yimaadeen in ay la hirgeliyaan sida Muuse Suudi , Maxamed dheere, Xaaraan-ku-naax, Beebe. Waxaana sabab u ahaa labada is adeegsaday iyo shacabka ay rabeen in ay danta ka fushadaan oo is diidanaa ama kalsoonidii ay ka dhamaatay. Ururkii argagixiso la dirrirku ujeedada ugu weyn ee ay la haayeen waxay ahayd in
1- Dowlada tabarta yar, in sidii tii Cabdiqaasim iyadoo fadhiid ah waqtigu ku dhaco.
2- Mansabkooda Qabqablenimo in uusan ka lumin, iyagoo wixii u sii seeta dheeraynaya oo dhanna ku kaceen. Ha ahaato isbaaro, hoos ka dil kii iyaga  ku qabiila ee madaxa la soo taaga talo ka duwan tan ay ka fushadaan qabaa-iladooda. Qandraasyo yar yar oo Etoobiya hub ay ku siiso ugu bedelaan in ay si dhuumaaleysi ah hoosta uga  dilaan dad ay Etoobiya ku tuhmeyso in ay danaheeda ka soo horjeedaan sida Oromo, Ogadeen iyo Itixaad  i.w.l.m.

Isku soo duuboo ururkaas argagixiso la dirirka duligii ay ummada ku hayeen markii laga xoreeyay neecaaw qabow baa la helay, nabad iyo cadaalad aan mudo 17 sano ah la arag baana soo hoyatay. Balse waxaa isweydiin mudan, in kuwii loogu soo dhiibay ummada nasrigaa yar ee imtixaanka huwan, in aysan arrinkii u meelmarin si xikmad, dulqaad iyo qorshe xeeladaysanni ku jirto. Qaladdadii Maxkamaduhu galeena waxaa ugu muhiimsanaa.
A- Kacdoonkii shacabka oo aysan u balaarin si xikmadi ku jirto, kana gudbin kari waayay tuhunka ah in (kacdoon islaamiya uusan ahayn balse ay dan qabiil tahay). Taa oo ay ku xallin kareen  golaha shuurada in ay isimada( qabaa-ilada) Soomaalida ka simaan. Waxaana qalad ahaa in hal qabiil, Hawiye, in ka badan 2/3 ay ahaadaan golaha shuurada; iyo in qaybahooda howl galka ay inta badan Hawiye kaliya ku koobaan sida madaxa shuurada, Amaanka, fulinta, Arimaha dibada. Waxaana wax iska cad ah, in xataa hadii ay ahaayeen kuwo qabyaalad ka hufan; in ay garan waayeen qabiil qudha in aanu meel marin karin xal u helista ummad qaranimmadoodii qabyaaladi burburisay.
B-Istaraatiijiyada oo aysan u adeegsan dad aqoon u leh, waxayna  is barbar dhigi kari waayeen  sugida inta dowlada fadhiidkaahi waqtigeeda dhameysaneyso iyo in ay kado( gaadmo) degdeg ah ku. wajahaan.labadiina tii ay qaateen(qaladba ha ahaatee) waqti xun bay ku aadiyeen lana daaheen iyagoo la sugay inta Etoobiya ay ciidan soo dhoobayso Baydhabo. Haba ugu wacnaato Indha-cade oo laba-wajiile ku dhex aasan maxkamadaha ahaa, kaa oo suurta geliyay dabinka maxkamadaha loo dhigay in uu geliyo. Waxaana marag ma doonto ah. Hanjabaadiisii is daba jooga ahayd ee i- in Itoobiya hadey todobaad uga bixi weyso Soomaaliya xoog looga saari doono, aannana looga hari doonin dhulka ay Soomaalida ka heysato. ii- Hadii Mareykan arimaha  Soomaaliya faraha kala bixi-waayo in uu Baqtigoota dhulka ku jiidi doono, kana mid ahaa kuwii horay maydadkooda dhulka ugu jiiday. iii- In ay kaashan doonaan wixii muslimiin mujaahidiin ah ee dagaalada ku garab istaagaya, Soomaaliyana ay u furan tahay mujaahidiinta aduunka..waxaas oo goodin ah iyagoon tabar ay ku fuliyaan haysan  ninkii afka la taagay miyuuna ahayn laba mid i- badaw aan siyaasad aqoon ii-ama  jaasuus(dabadhilif) maxkamadaha ku dhex aasnaa, tan danbena u badi. Doonayeyna in mar uun: goortii loo diyaar garoobo uu ku hogaamiyo dagaal qorsheysan si maxkamadaha loo burburiyo.
C-Maxkamaduhu, iyaga oo aan dib isu habeyn, deegaanadii ay qabsadeena si wanaagsan uga howlgelin, kala danbeyn xumidooda iyo degdegooda  sababtayna iyadoo aan munaasab ahayn; Sheekh Xasan Daahir goob iyo goor aan ku haboonayn in uu madaxa u soo taagto laguna raaco. Iyadoo la wada og yahay hogaankiisa sida ay u arkaan ummadaha dunida gaar ahaan kuwa midnimada iyo horuu kaca Soomaaliya ayan dani ugu jirin.

Wajigaan qasaarihii uu mareykanku kala kulmay waxaa ugu muhiimsanaa:
1-Qabqablayaashii qandaraaska la siiyay oo laga guulaystay. Nacayb shacabku u qabay ka sokoow, iyagii oo kashifmay, Soomaalidiina ka war heshay in Mareykanku uu soo adeejiyay.

Wejiga labaad ee ay ugu talo galeen inay ku bedelaan kan koowaad hadii uu meel mari waayo kaas oo ah. In Itoobiya  qandraas lagu  siiyo sidii ay uga hor tegi lahayd in maxkamaduhu dalka oo dhan qabsadaan, loogana hor tago dowlad islaamiya in ay Soomaaliya ka dhalato, arinkaas oo Itoobiya dani ugu jirto a- Dan dhaqaale( in ay lacag uga cunto Mareykanka iyo inta la saffan). b- Mid nabadeed (ugaarsi Oromada iyo Ogaadeenka ku dhuumaalyesanaya ama dagaalka ka soo abaabula Soomaaliya). c-Sii haysasho dhulka ay Soomaalida ka heysato.

Wajigaan oo ay hubeen hadii sida loo qorsheeyay uu u meel maro, in uu wejiga hore kaga fiicannaan doono.
1- Soomaaliya in ay wado la yaqaan kaga hagaagto dannaha Mareykanka iyo tan Itoobiya.
2-In dowlad ku sheega hebedkaa ee Cabdulaahi Yuusuf dannaha Mareykanka iyo Itoobiya wakiil uga noqdo, gaar ahaan wixii la rabo in laga fushado Soomaaliya.

Wajigaan dhibka cadawgu ay kala kulmayaan waxaa ugu muhiimsan: shacabka Soomaalida inuu ku sii fogaynaya cadaawada ay u qabaan Mareykanka iyo Itoobiya gaar ahaan
qowmiyada Tigreega. Soomaalida inta damiirka lihi in ay dagaal iska xoreyn ah kala soo horjeestaan Etoobiya. Cabdulaahi Yuusuf in uu xukunka ku fara adaygo kuna dhaqaaqo
caburin shacabkaa taas oo uu ku meel marin karo eex, gobolaysi iyo qabyaalad.

Wajiga seaxaad ee uu Mareykanku damacsanaa waa hadii tallo fara ka baxdo, in ay lama huraan tahay gabasho la'aan in uu Soomaaliya dib ugu soo laabto; sababtuna,
1-Howl galka Itoobiya oo mira dhali waaya.
2-Cabdulaahi yuusuf iyo dowladiisa oo laga awood roonaado.
4- Maxkamadaha oo dalka gacanta ku dhiga. Xukun Islaamiyana Hirgeliya.
5-Quwado Mareykanka loolan kula jira oo faraha la gala Soomaaliya.
6- Ajaanib asal raacyo  jidbaysan  oo  ku soo bata Soomaaliya.

Wajigaan Dhibka uu Soomaalida u keeni karo waa:
1-Tuhun, xasad, naceyb iyo kala shaki diini ah oo aad ugu baahdo Soomaalida. Xarakadaha Maxkamadaha raacsan mooyee iyo kuwa dhexdhaxaadkaa oo sababi karta in ay isku dhacaan. Ama midkood midka kale ku eedeeyo basaasnimo.
2-Shacabka Soomaalida oo gaaladu ku badato,
3-Dagaalada oo aan weligood so af jarmi doonnin, jihad iyo aano joogta ah.
4-Soomaaliya oo ay u badnaan doonto in ay noqoto saldhigyo militari oo uu Mareykanku ka hago bariga fog, bariga dhexe, iyo geeska/bariga Africa.
Wajigaan sedaxaad ee (talo fara ka baxday) ah shacabka Soomaaliyeed waxay kala kulmi Doonaan jab aan kasoo kabasho lahayn oo ku timaada midnimadooda, is-aaminkooda, diintooda, dhaqankooda iyo dalkooda.

Dhibka Mareykanku kala kulmi doono waa Dublimaasiyada: wadamada aduunka oo indhah ku kala furo "Mareykan oo  aan awood kaaga baqini in aanuu ku deyn doonin." Keenina karta tartan xaga quwadaha, siyaasada xakameynta nukliyeerka oo faraha ka baxda. Dunida muslimka oo aad u karaahsato Mareykanka iyo inta la gaashaanbuurtaa.

Wajigan sedaxaad innaba wax faa-iidaa ma u yeelan doonaa Soomaalida!!!
Maadaama sheekadu  noqon doonto: yaannan kugu durdurin ee i adeec.  Iga baro,  igulana noolaaw awaamirtayda oo aad fuliso: sharcigayga oo aad ilaaliso, ixtriraamtidna. Laga yaabee taa in ay keento qarniyo kedib, Soomaalida in ay qaadato dhaqanka " shaqsiga iyo aduunyadiisa". Dhaqankaas oo meesha ka saari doona isku dul noolaadka, shaxaadka, qabyaalada sida (isla weynida qabiil, is takoorka xaga guurka iyo is dhexgal la'aanta), ixtiraamka shaqsiga sida (mad-habkiisa, diintiisa, hab nololeedkiisa, iyo cabirka fikirka).

Wabillahi towfiiq.

Dr Abdi Abukar Roble.
Drroble99@hotmail.com

 

cigonet.com
 

webmaster@cigonet.com