Ethopiya oo Gumaysi ku haysa Shacabka Magaalada Muqdisho

 

 

 

 

 

 

Kaaraha Itoobiya Oo Maanta Caasimada Soomaalia Muqdisho Dhex Taagan: Maaliin Taariikheed Oo Madow(28.12.2006)

ļopiopo

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kaaraha Itoobuya oo garoonka muqdishu dhex taagan 28.12.2006 (sawika AFP)

 

 

 

 

 

 

 

 

Ciidanka Itoobiya oo Muqdishu hub ka baaraya 15.01.2007 (sawirka AP)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cali Maxamed Gedi oo diyaarad milateri Itoobiyan ah ay keentay Afgooye. 29.12.2006 (Sawirka AP)

Karayasha Itoobiya oo tagan dekada Muqdishu 28.12.2006

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Banaanbax ka dhacay magaalada Oslo ee dalka Norway oo lagu cambaareeyay faro gelinta Itoobiyaanka iyo Mareykanka ee Soomaaliya.

 

Waxaa Maanta ka dhacay magaalada Oslo ee dalka Norway banaanbax balaaran oo ey soo qaban qaabiyeen jaaliyadaha Somaliyed ee ku dhaqan dalka Norway, kaasoo looga soo Horjeeday Xasuqii Ka dhacay Dalka Soomaaliya Gaar ahaan Caasimada Muqdisho , ciidamada Itobiyaanka ah ee ku sugan gudaha Somaliya.

Dadka banaabaxayay oo lagu qiyaasay tiradooda in ka badan 700 oo qof ayaa waxa ey wateen boorar qaarkood muujinaya xasuuqa ey ka geysteen gudaha Somaliya dowlada iItobiya oo iyagu isku beheystay waxa ey ugu yeereen la dagaalanka argagixisada Somaliya, iyagoo duqeyn xoog leh ey u geysteen Dadka soomaliyeed kana Barakiciyay guryahoodii ee ku yaalo Magaalada Muqdisho.

Dadkan aadka u badnaa oo isugu jiray rag, dumar iyo caruur ayaa waxa ey socod kasoo bilaabeen senterka magaalada Oslo kadib salaada Jimce, iyagoo ku tagay socodka ilaa wasaaradda arimaha dibadda Norway ee ku taalo isla senterka magaalada, waxeyna ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah Mareykanka iyo Itobia, iyadoo ey ka mid ahaayeen erayadaa: "Down, Down USA. Bush Is A Terrorist. Alaahu Akbar, iyo eraya kaloo badan.

Waxaa sidoo kale banaanbaxan ey dadku ku muujinayeen jaceylka ey u qabaan Maxkamadaha Islaamka ee awooda loo sheegtay, iyagoo watay boorar uu ku sawiranyahay gudoomiyaha gudiga fulinta Maxaakamadaha Islaamka Sheekh Shariif Skeeh Axmed, waxeyna daka qaar ey ku dhawaaqayeen "Sheekh Shariif Hanoolado iyo eraya kaloo badan. Waxaa sidoo kale halkaas Qudbado Ka jeeday Md Cali Cabdulaahi Xasan (Cali Ganey) iyo Abshir Faras waxeyna aad u Cambareyeen dowlada Itoobiya.

Wajiyada banaanbaxayaashan ayaa waxaa ka muuqatay caro ey u qabaan Dowlada itobiya sidoo kale sawirka aad ujeedaan wiil yar ayaa wuxuu sitaa boor uu ku sawiranyahay Sheekh Shariif waxaa sidoo kale soo baxay Xubin Ka socto Wasaarda Arimaha Dibada ee Noorway Kaas ayaa loo gudbiyay Cabshadii Baanbaxyaasha.

Ugu danbeytii waxaa lasoo gaba gabeeyeen banaanbaxa oo ey hareer socdeen boliska dalka Norway oo iyaguna aad u tiro badnaa wateyna gawaari badan.Iyo fardo.

 

 

 
 

 

 


Ismaaciil Xaashi Kaariye (Caano) Iyo sawir qaade Galad


 


 

 

 

Xasan Cali Geela  " Mogadishu"

 

 

 

 

webmaster@cigonet.com