WAREYSIGII CALANKA
Asalaamu C. W. W. Waxaan walaalayaal halkaan idinkuugu
soo bandhigaayaa anigoo ah Siciid SH. Cumar, wareysi aan
la yeeshay Calankii Soomaaliyeed mar xalay aan ku arkay
riyo, .
Waxawna u dhacay sidatan.
Siciid: Aabbe Calanow iska waran?
Calan: Igaarkeey waa la noolyahay.
Siciid: Calanoow waxaa kaa muuqata
ildarree, sidee wax u jiraan?
Calan: Waa iska xaal adduunoo waxba hayga
nixine, ii warran adiga maxaa cusub?
Siciid: Runtii Aabbe Calanoow , wax cusub ma
jiraan oo wali xaalku waa sidiisii(wareeriyo walbahaar)
wax laga noxo maahee wax loo dhiidhiyo lawaa’. Waase
su’aale Calanoow, aaway hooskaagii harka weyn lahaa iyo
hoygiyo nabaddii?
Calan. Waa tahaye igaarkeeygiyow sow ma ogid,
wax kasta ee nool iyo moodba leh waxay u baahan yihin
hadday waayaan, waxa dhibaayana aan laga dhowrin, inaan
waxa looga baahan yahay laga helin.
Siciid. Waa runtaa Aabbo, waana ku gartay,
balse jawaabtaadu aad ayay u kooban tahay , inkastoo ay
murti weyn tahay, marka si aan aad kuugu garto dadka
Soomaaliyeedoo dhanna ay ugu noqoto mid maragmaddoonto
ah, waxaad noogu kala saartaa ood noo sheegtaa waxaad
dooneyso iyo waxaad diiddan tahay.
Calan.
WAXAAN DOONAYAA
WAXAAN
DIIDAYAA
NABAD
COL
HESHIIS
DAGAAL
MIDNIMO
GOBOLEYSI
WADAHADAL
KALA HADAL
GARSOOR
EEX
MAAMUL
MUSUQMAASUQ
MADAXBANNAANI
GUMEYSI
DOWLAD
MOORYAAN
DOORASHO
KALITALIS
SAMADDOON
DAGAAL OOGE
DAL
QAX
DAGGENI
HABAQLAYAAC
WADDANI
DABODHILIF
QARAN
QABYAALAD
ISLAAM
AFDUUB
DADNIMO
DOQONNIMO
XALAAL
XAARAAN
XEEL
XOOG
WANAAG
XUMAAN
ISJACAYL
ISNACEYB
DULQAAD
CALOOLYOOW
HOWL
HAGAR
QALIN
QORI(HUB)
KHEYR
JAAD
HIIL
HUNDHUR
DANGUUD
CALOOSHIIS USHAQEYSTE
BOOLIIS
BILILIQO
MILLITARI
MOORYAAN
WADASHAQEYN
KALA SHAQEYN
WADATASHI
KALA TASHI
WADAJIR
KALA OROD
ISCAFIS
AARGOOSAD
KALA DANBEYN
ISHEXYAAC
ISBARQABAD
ISDHIIB
DULMIDIID
DAANYUUSNIMO
ISDARYEEL
ISKU DANEYSI
ISAFGARAD
UURGUMAAD
GARQAADASHO
GARDIID
GARGAAR
GUMMAAD
GARQABAD
GUJEYN
AQOON
MUGDI
GARAWSHO
GURAABBAAS
RUN
BEEN
GOBANNIMO
GUNNIMO
ISXILQAAN(XOOGFURNAAN)
ISKUDEYS
HORUMAR
DIBUDHAC
DADAAL
FADHIID
DEEQSI
BAKHEYL
OGAAL
INDHODUUB
WADAAG
QEYBDIID
TOOSNI
QALLOOC
WAXSOOSAAR
TUUGSI
WALAALNIMO
ISKALA WIIQ
FIIRSI
FUDEYD
DERIS WANAAG
DOCADOCEYS
Ugu danbeyntiina Aabbe Calan asagoo madaxa luxaayo ayow
halkiisii siciid
Oo aad mooddo inay weydiimo u dhiman yihiin uga
dhaqaaqay.
Markaasaan aniga oo yaabban kasoo toosay hurdadii,
kadibna sidii caadada ii ahayd intii aanan ka kicin
sariirta, ayaa waxaan shitay cajaladdii ku jirtay
naastaro agtayda tiillay, oo uu duubay Abwaanka weyn
Maxammed Gacal Xaayoow, oo ku aaddanayd gabaygan.
MIDNIMO
Dadku sidow maleynaayay iyo maanta sida taagan
macnahooda kala duwan intii maqashay waa yaabtay
anna kuma maqnayn meel kaliyo maharad howleede
maxaarkiyo duntiisaan lahaay meel isugu geeye
madanaha astaantaan lahaay meeriska u sheege
malabka isu mari baan lahaay kuna mataaneeye
midigta iyo bidixdaan lahaay kalama maarmaane
midibbada shabeelkaan lahaay kalama miirmaane
muuqaalka noloshaan lahaay yaan la maan rogine
mabda' haysku raacdaan lahaay mowqif nabadeede.
Maax iyo qabow lagama helo milicda deyreede
Miiraale da'ay baan lahaay maxasta gaarsiiye
Mugdibaa ka baxay baan lahaay fiidki soo maraye
Minhaajkiyo kitaabkaankaan lahaay xaqa ku miisaane
Mowliidka Nabigiyo(css) sunnada Maxammad aamiinna
Maxabbada kalgacalkoodu waa marakac diineede
Wadaaddada u meershaan lahaay mahad Alle u haaye
Marna dhiig la maashoodiyaa kama maleyheyne
Maka iyo maddiinaan lahaay mari xijaaskiiye
Marxabbayso guushaan lahaay laysla meel dhigaye
Muwaafaqo ku tali baan lahaay kalana maareeye
Marro saare maankiyo qalbiga how martaan rabaye
Moxoggiyo lafdhabarkaan lahaay maar iskula soohe
Mukulaalin iyo daqar kolleey midiba meesheede
Hadba madax sagaaro iskuma leh waana maqasheene
Macnahay ujeeddiyo murtidu waxay ka maahmaahday
Soomaali kala maarantee kala muraad raacda
Ee calanka loo kala mudee maanta kala guurta
Iima muuqatee xaajo waa marin habowdaahe
Masallaha u fidi baan lahaay moosin ku habboone.
Mataanaha halbowlaha hadday midi waxyeellowdo
Madaxa uga tali baan lahaay mooradana siiye
Majliskay ku kulantiyo axdigi lagu mataaneeyay
Madhaafaanki weeyee haddaan meesha laga saarin
Muqdishiyo Hargeysaan lahaay kalama maarmaane
Madmadowga meeshaas ku jura moogi sow yahaye
Mudanaha la kaashaan lahaay kaa martabo roone
Majo dhooqo maantoo ku dhacay lagana soo meyray
Maaddooyin laga soo gudbaye laga muraad raacay
Ninki dib u majiirtaan lahaay maaddo kula showre.
Afartaa bal miinleeydi gabay muqaddinkeedii dheh
Midnimaa iskaashi leh anigoon daba-marsiinayn dheh
Macno maleh inaad muujisaa maaso godobeede
Mid aan midabtakoor iyo xumaan meesha soo dhigin dheh
Waxaan meel dhaxaad uga hadlaa magaca guud raace
Ma mudnayn inow kala dhexmaro muranya ceebaale
Marxalada qaraar maalintay mudato yoonkeeda
Marna yaan awood lagu mintidin waa murgucataahe
Muftaaxii albaabkiisi gebay saa ku kala maarma
Muraadkiyo dantaydaa ku jira ma-hurtadaydiiye.
Marki xaajo murugtaa jirtee laysku mari waayo
Ismaandhaafku meeshow ka jiro malaxda daaweeya
Wixi muuqda miisaanka waa lagu wadaagaahe
Yaan masaar wax goydaba maraay looga dhigin daabka
Yaan marrooyinkiyo loola kicin qolada meyd duugga
Yaan muruq ku taagleyn iyo hawo maato lugu laynin
Yaan mudanayaashii isku dhicin madaxda loo doortay
Yaan magaalo hoosteed madfaca laysku darandoorrin
Yaan masiibo tii hore ka badan maag wax lagu yeelin
Yaan madal barwaaqaa jirtiyo mihimmo kheyraade
Yarsaday kasoo dagi lahayd sii mushkiladoobin
Marki lagu heshiiyaba muskay kala wareegaane
Macbuudkey maslaxo miir qabtoo mudan ha deeqsiiyo.
Makaankaaga Eebboow adigaan daallin soo marine
Mariikhii wareegiyo adigaa maralka daaweeye
Adigaan makaan owliyiyo magangalyuu wayne
Adigaa muraaddada u guda murugo qoonkeede
Adigaa masiibada dahsoon mool dahsii jiraye
Soomaalida marriimada xaqaa soo mar laga waayay
Maskaxdooda buul baa qotoma malaxu hoos taal’e
Macbuudkow awooddaada mudan inaad ku maareydo
Maantaan maqaalkiyo arjiga kuugu muujiyaye
Meel kastaba ha joogtee maslaxad lagu heshiisiiyo
Oo la mahadiyaan kaa codsaday wayga maajidaye.
Shirib gunaanad ah.
AFAR WALXAATOO MIIN KU TAAL
SOOMAALUU MALEYMEHEYN
1. INAY KALA MAQNAA KARTOOY
IS MOOGTUHUU MALEYMAHEYN
2. INAY QOLABA MEEL DEGTEE
KA MUUQATUU MALEYMEHEYN
3. INAYBA MAATO LAYS TOHOOY
MADFAC RIDDUU MALEYMAHEYN
4. MUDDEEC IYO MUDDACAALAY
MURMAAYANUU MALEYMAHEYN.
IYO
MIDDA KA DHACDAY MAANTIYO
LAMA MAQAL MATAANO GEEL.
Siciid71@yahoo.com
Xasan Cali Geela "
Mogadishu"