Ethopiya oo Gumaysi ku haysa Shacabka Magaalada Muqdisho

 

 

 

 

 

 

Kaaraha Itoobiya Oo Maanta Caasimada Soomaalia Muqdisho Dhex Taagan: Maaliin Taariikheed Oo Madow(28.12.2006)

ļopiopo

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kaaraha Itoobuya oo garoonka muqdishu dhex taagan 28.12.2006 (sawika AFP)

 

 

 

 

 

 

 

 

Ciidanka Itoobiya oo Muqdishu hub ka baaraya 15.01.2007 (sawirka AP)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cali Maxamed Gedi oo diyaarad milateri Itoobiyan ah ay keentay Afgooye. 29.12.2006 (Sawirka AP)

Karayasha Itoobiya oo tagan dekada Muqdishu 28.12.2006

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Beelaha Abgaal ee Wacaysle , Wacbuudhan iyo Harti Abgaal  ayaa kulamo ay uga  arinsanaya  xaalada Muqdishu ku kala yeeshay Hoteelada Banaadir, Global iyo Lafweyn.

 

Sadexda beelood  oo ay ka koobantahay beesha Abgaal ee kala ah Harti Abgaal, Wacbudhan, iyo Waceylse ayaa maanta kulamo kala gooni gooni ah ku kala yeeshay hotelada kala ah  Lafweyn , Global , iyo Banadir.
 

Beesha Waceysle ayaa ku kulansan hoteel Banaadir arimaha ugu waa weyn ee shirkooda ayaa ah xaalada dagaal ee ka jirta magaalada Muqdishu. Waxaa muuqata in beeshu ku kala qeybsan tahay joogitaanka Itoobiya ee Soomaaliya lakiinsa sida muuqata waxaa shirka soo abaabulay kooxaha tageera siyaasada Itoobiya sida wararka qaar ay sheegayaana.

 

 Itoobiya waxaa heysata mucaaradnimo ay dadka badankiisu ku diidanyihiin liikiin wasiirka ganacsiga kooxda Imbagati Prof. Abdullahi Axmad Afrax iyo xildhibaanada kala ah Ibraahim Jeebo iyo Cabdullahi Gedi Shadoor ayaa u ollolaynaya sidii siyaasada Itoobiya lagu tageeri lahaa. Siyaasiga Dr. Xuseen Bood ayaa qaba in aan wax dagaal ah lagu gelin Muqdishu waxaa uu sheegay in waxa laysku heysto ay tahay siyaasad lakiin aysan jirin qabiila is heysta.

  

Hotelka Global oo ay isku arkeen siyaasiyiin ka soo jeeda Wacbudhan Abgaal ayaa waxaa ka qeyb galay rag ay ka mid ahaayen Xildhibaanka kooxda Imbagati Muuse Suudi, kadare , Cosobow, iyo Xubno kale oo caan ah waxaana ay ku mawqif noqdeen Beesha Harti abgaal oo waxa ay soo saaren in la taagero D.F.S .

 

Hotelka Lafweyn oo ay isku arkeen odayaasha beesh Harti Abgaal ayaa waxaa kala qeybgalay Salad Cali Jeele Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga ee kooxda Imbagati , Max'ed Dheere oo ahaa Gudoomiyihii G/Sh/Dhexe iyo Nuur Daqle oo ah hogaamiye maleeshiyood ka taliya xaafada SiiSii , C/qaadir Beebe, Dhagaxtuur Imaam Max'ud oo dhinaca dhaqanka goobjoog uga ahaa shirka.



Salaad Cali Jeele ayaa halkaas hadal ka jeediyay waxaa uuna  ku goodiyay in xoog la isticmaalayo in la qaxana ay tahay lagama maarmaan sida uu hadalka u yiri. Waxaa uu yiri Salaad kuwa sheeganaya Hawiye inaysan matalin Hawiye balse ay yihiin argagixiso waxaa uu ku celiyay in la taageero DFKM waxaa kale oo uu sheegay in kuwa tolka ka dhashay ee lasafan Hawiyaha la qabto.

 

Maxamad Dheere ayaa sheegay isaguna ku celeliyay in la tageero DFKM ee Imbagati. Waxaa uu yiri Maxamad Dheer waxaan la kulanay Xaaji Abuukar waxaana kulana taliyay in la wada hadlo balse uu xaajigu sharuud ayuu nooga dhigay in Itoobiya ka baxdo dalka.

 

Kooxihii soo abaabulay shirarkan ay leyihiin beelaha Waceysle, Wacbuudhan iyo Harti Abgaal ayaa raba in ay ka helaan beesha Abgaal go'aan ay ku mideyaysan tahay walow ay adagtahay in si fudud laysigu afgarto xaalada ka taagan muqdishu hadana Itoobiyanku waxaa ay aminayaan wixii loo sheeqo tasoo ah arin qatarteeda leh.

 

 

 Xasan Cali Geela  " Mogadishu"

 

cigonet.com

 

 

webmaster@cigonet.com