![]() |
![]() |
![]() |
|||
|
|||||
|
Odayaasha Hawiye oo Beesha caalamka ugu baaqay in ay soo diraan gudi baara xadgudubyada ay geysanayaan maleeshiyaadka cadawga Ethiopia kuwa Embgathi.
(06-12-2007)Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada haawiye ayaa maanta sheegay in Beesha caalamka looga baahanyahay in ay soo diraan gudi baara xadgudubyada ay geysteen Maleeshiyaadaka cadawag Ethiopia kuwa Embagthi ee ku sugan Magaalada Muqdisho,
Afhayeenka dhinaca siyaasada Beelaha Hawiye C/laahi Dheere oo markii kulanka ay yeesheen Odayaashu soo gaba gaboobay kadib saxaafada lahadlay, ayaa waxa uu sheegay in maleeshiyaadka isbaheystay ay dileen 11/8/007 in ka badan 317 qof oo rayid oo ay xasuuqeen Ciidamada Ethiopia kuwa Embagthi.
C/laahi Dheere ayaa intaasi raaciyay in beesha caalamka looga baahanyahay in il gaar ah ay ku eegaan dhinbaatada ka taagan Magaalada Muqdisho islamarkaana dagaalada ugu dambeeyay ay ku xirmeen goobaha caafimaadka sida Cisbitaalka xayaad Carafaad ayaaan SOS iyo qeybo kale waxaana sidoo kale xiran inkabadan 60 Iskuul oo ku yaaala gobolkaan banaadir.
Hadalka maanta ka soo baxay odaayasha Hawiye ayaa
waxa ay ku soo beegmeysaa, xili habeenada aan soo dhaafnay dagaalada ay
noqdeen kuwa isdaba joog ah islamarkaana waxyeelo soo gaartay maleeshiyaadka
isnbaheystay ee ku sugan Magalada Muqdisho.
Dalkanews.com Muqdisho
|