18 ruux oo shalay
laga dhoofiyay garoonka Baydhabo iyadoo la sheegay in Guantanamo-beyda
Itoobiya loo wado.
Warar hoose oo aanu ka heleyno
magaalada Baydhabo ayaa xaqiijinaya in illaa 18 ruux oo laga keenay
magaalada Muqisho shalay gelinkii dambe laga dhoofiyay garonka magaalada
Baydhabo.
Wararkan ayaa tibaaxaya in 18-kan ruux laga keenay xabsiyo ku yaala
magaalada Muqdisho, lamase garanayo sababaha dadkan loo dhoofinayo.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadkani ay xabsiyada ku yaala magaalada
Muqdisho si gaar ah uga soo xusheen sirdoonka ciidamada Itoobiya kuwaasoo u
arkay in 18-kan ruux ay yihiin kuwo si weyn uga horjeeda siyaasada dowladda
Itoobiya, una eg muuqaal ahaan waxa ay ugu yeeraan kooxaha Xagjirka iyo kuwa
argagixisada ah.
Sidoo kale, dadkan ayaa la tilmaamay in loo dhaadhiyay xabsiyo qarsoodi ah
oo ay dowladda Itoobiya ku leedahay qeybo ka mid ah ismaamulka Soomaalida
Itoobiya iyo weliba magaalada Addis ababa, iyadoo la sii kala xuli doono
dadkan.
Dowladda Itoobiya ayaa la tilmaamay in waayihii ugu dambeeyey ay ka furatay
qeybo ka mid ah dhulalka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya iyo magaalada
Addis ababa xabsiyo u eg kuwa Mareykanku dadka ku ciqaabo ee (Guantanamo-bey
ee gacanka Kuba).
Lama garanayo, noocyada dadkani ay isugu jiraan, wallow la aaminsan yahay
inay u badan yihiin dadweyne aan dembi laheyn oo laga qabqabtay qeybo ka
tirsan magaalada Muqidsho kuwaasoo lagu raacay heybtooda Sunadda
Xasan Cali Geela " Mogadishu"
webmaster@cigonet.com