•  

     Wararka


Maleeshiyaadka kooxda  Mbagaati oo dagal culus kadib laga  saaray  suuqa xoolaha  ee Dayax.

 

Ciidamada dib u xoreynta  Soomaliyeed ayaa saakay dagaal ay ku qaadeen kadib lawareegay gacan kuheynta suuqa Dayax ee lagu gado xoolaha nool.

 

Suuqaan oo ku yaal  xaafada Huriwaa ayaa saakay waxaa ka dhacay dagaal culus oo kudhex maray mujaahidiinta iyo mooryaanta Mbagaati ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya.

 

Warar madax banaan ayaa sheegaya in wadaniyiinta  Soomaaliyeed ee u istaagay xoreynta dalkooda ay si buuxda ula wareegay gacan kuheynta suuqaasi oo lacago fara badan oo baada looga qaadi jiray xoolaha lageeyo suuqaasi iyo dadka doonaya iney gataan.

 

Maleeshiyaadkii kooxda   Mbagaati ee joogtay suuqaasi ayaa laga dhigay kuwa ladilay iyo kuwa cararay sida ay noo sheegeen dad goob joogayaal sidoo kale waxaa laga furtay qoryihii ay ku hubeysnayeen iyo baabuurtii ay wateen.

 

 

 

 

 webmaster@cigonet.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sawiro muujinaya kulan lagu taageerayo Maxkamadda
Birrul Islaam ee deg.
Ceeldheer iyo Galcad
28,09,2006

 

Mu’asasada Xifdinta qur’aanka ee Maclin Nuur oo soo gabogabeysay tartan Quraan Aqris ah


Khudbaddii uu Sheekh Shariif ka jeediyay Banaanbixii ka dhacay Banadir Stadium. (24-07-06)