•  

Wararka Maanta

Ciidamada C/llahi Yuusuf oo dilay alla u naxariistee marxuum Ganacsade Cabdi Maxamuud Ceynte ahna Milkilaha Maqaayada Rajo ee ku taala degaanka Suug-Bacaad ahna ganacsade ka soo jeeda degmada Galcad. Ciidamo katirsan ilaalada C/llahi Yuusuf ayaa shalay ku toogtay marxuumkan magaayadiisa gudaheeda xili ay boobku hayeen Suuqa.

 

Xaaladda amaan ee Suuq Bacaad ayaa aheyd shalay mid aad u qasan kadib markii ciidamo ah kuwii uu C/llahi Yuusuf kala yimid Puntland ay shalay u yimideen inay boobaan Suuq  Bacaad qal qalna ay geliyeen dhamaan ganacsigii ka socday Suuqa.

 

Markii ay arintan dhacday ayaa ganacsatada suuqu gurmad u ka codsadeen ciidamo uu hogaaminayay C/qaadir Beebe ku waas oo soo gaaray goobtii xili ay bililiqo baahsani ka socoto suuqa  waxaa ayna boobkii ka joojiyeen ciidankii wax bililiqaysanayay  dirqina ay ku kala badbaadeen in uu dagaal ka dhexmaro.

 

Sidoo kale ciidamadamadan ayaa waxa ay dhac u geysteen labo bakhaar oo ku yaala suuq-bacaad oo ay ka qaateen qoryo iyo alaabo kale oo wali aan la shaacin.

 

 

Xaaladda suuqa Bakaaraha ayaa saakay dagan, ka dib qaraxyo sababay dhimashada labo ruux iyo dhaawaca 5 kale oo ay shalay ka geysteen ciidamada C/llahi Yuusuf.

 

 

 


 

Cigonet.com

webmaster@cigonet.com