•  

     Wararka

Sheekh Shariif "Dagaalada Wax Iska Caabinta Way Soconayaan Ilaa Cadowga Laga Xoreeyo Dalka...."


ASMARA (Soomaalinews) - Gudoomiyaha Isbaheysiga Xoreynta Somalia, Sheekh shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inay sii socon doonaan waxa uu ugu yeeray Mukhaawamada Shacbiga tan iyo inta ay ciidamada Ethiopia isaga huleelayaan gudaha Dalka Soomaaliya.

 


 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in iska caabinta iyuo kacdoonka shacabka uu sii socon doono ilaa iyo inta gumaysigfa Ethiopia dalka laga saarayo sida uu yiri Gudoomiyaha Gudiga Fulinta ee isbaheysiga dib u soo celinta Somalia Sheekh shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay u yimaadeen gudaha dalka Somalia inay ka geystaan xasuuq wadareed.


 

Gudoomiyaha Gudiga Fulinta ee isbaheysiga dib u soo celinta Somaliya Sheekh shariif Sheekh Axmed oo wareysi siiyay TV-ga afcarbeedka ku hadla ee Al-Jazeera ayaa intaas ku daray in kacdoonka haatan ka socda Muqdisho ay ka dhasheen barakicinta ay ciidamada Ethiopia ku sameeyeen dadka ku dhaqan Muqdisho iyo sidoo kale xasuuq wadareedka uu gumaysigu caadeystay sida uu yiri Sheekh Shariif.


 

Sheekh shariif Sheekh Axmed mar uu ka jawaaayay su'aal la weydiiyay oo aheyd in weerarada ka dhanka ah ciidamada Ethiopian-ka ah ay yihiin kuwo Nidaamsan iyo in ay yihiin kuwo soo boodo ah ayaa waxa uu sheegay in kacdoonku uusan aheyn mid isku dhex yaac ah, islamarkaana uu yahay mid nidaamsan, taas oo fudeysay in uu khasaare aad u xooggan gaaro dhinaca ciidamada Ethiopian-ka.


 

"Warbaahintu Ma awoodo inay soo baahiso dhacdooyinka rasmiga ah sababo la xiriira dowladda Federaalka Soomaaliya oo caburin ku heysa warbaahinta" ayuu yiri Gudoomiyaha Gudiga Fulinta ee isbaheysiga dib u soo celinta Somaliya Sheekh shariif Sheekh Axmed.


 

Sheekh shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in isbaheysiga dib u xoreynta iyo dib u soo nooleynta uu yahay awood sharciyadeed howlaha horyaalana ay ugu muhiimsan tahay sidii dalka looga saari lahaa wax uu ugu yeeray Gumeysiga.


 

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gudiga Fulinta ee isbaheysiga dib u soo celinta Somalia Sheekh shariif Sheekh Axmed waxa uu gaashaanka u daruuray suurtagalnimada dagaal beeleedyo cusub oo ka curta gudaha dalka Soomaaliya, isagoo farta ku fiiqay in shacbka Soomaaliyeed uu ku mideysan yahay sidii dalka looga eryi lahaa ciidamada Itoobiyaanka marka laga reebo kooxo dabadhilifyo oo gacan saar la leh gumaysiga waa siada uu hadalka u dhigee.


 

Hadalka Sheekh Shariif ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli Masa'uuliyiin ka tirsan isbaheysiga dib u soo celinta Somaliya ee uu hogaamiyo Sheekh shariif Sheekh Axmed ayaa intooda badan soo galeen gudaha dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in isbadalo cusub dhawaan la dareemi doono, hase yeeshee ma cadeyn isbadalkaas waxa uu noqon doono.


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 



 


 

 webmaster@cigonet.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sawiro muujinaya kulan lagu taageerayo Maxkamadda
Birrul Islaam ee deg.
Ceeldheer iyo Galcad
28,09,2006

 

Mu’asasada Xifdinta qur’aanka ee Maclin Nuur oo soo gabogabeysay tartan Quraan Aqris ah


Khudbaddii uu Sheekh Shariif ka jeediyay Banaanbixii ka dhacay Banadir Stadium. (24-07-06)