|
|
|
|
|
Wararka Maanta |
|
Kaaraha Itoobiya Oo Maanta Muqdisho Dhex Taagan:
Maaliin Taariikheed Oo Madow
Wararka ka
imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in
ciidanka Itoobiya ay galeen Magaalada Muqdisho.
Ciidanka
Itoobiya oo sita dabaabka dagaalka caawimaadna ka helaya diyaaradaha
dagaalka ayaa galay magaalada Muqdisho. Geedi iyo Xuseen Caydii oo
Helicopte ciidanka Itoobiya leedahay ayaa lagu dejiyey magaaladda
Afgooye. Dadwaynaha Muqdisho oo lixdii bilood lasoo dhaafay haystay
nabadgelyo iyo kala danbayn ayaa haatan soo wajahday fawdo iyo
mustaqbal aan la ogayn.
Dadka aragtida iyo kuwa damiirka leh intaba ayaa u arka in ay tahay
maalin madow oo taariikhda soomaaliyeed soo foodsaartay, iyadoo
Malez Zenawi taariikhda Itoobiya uu ka geli doono baaldahab maadaama
isagoo haya xukunka Itoobiya ay kaarayaashiisa dhex mushaaxeen
magaalada Muqdisho caasimada Soomaaliya. Tani waxay la mid tahay
Kaarayaasha Hindiya oo Islamabad, caasimadda Pakistan dhex taagan.
Sidoo kale ayaa daka ku xeel dheer dagaalka caynkaan ahi ay ku
faalloonayaan in jabka iyo guudarada ay ku danbayn doono ciidanka
soo duulaay maadaama ay jiraan ciidan xoogan oo kasoo horjeeda
kuwaasoo ciidooda iyo dalkooda ku dhex diririya gacana ka helaya
daka iyo dhulka intaba. Waxaa kaloo ciidanka iskaacabinta wada
caawin doono xadgudubka ay gaysanayaan ciidanka Itoobiya iyo kuwa ay
gaysan doonaan intaba. Taariikhdu ma sheegin in ciidan soo duulay
iyo kuwii uu kaarayaasha ku keenay oo guulaystay, sababtoo ah danaha
labadaas qolo waa ay isdiidayaan
Xasan Cali Magadishu
webmaster@cigonet.com
|
|
|