•  

     Wararka

Ka Xoreynta Soomaaliya Ciidanka Itoobiya Iyo  dabadhilifyadooda Oo Si Wanaagsan U Socda.

Magaaladda Muqdisgo ayaa maanta goobo kamida laga sifeeyay asgarta Itoobiyaanka ah iyo dabadhilifyada Imabagati kadib markii ay dagaalo culus ka dheceen labadii maalin ee lasoo dhaafay. Dagaaladaas ayaa jab wayn loogu geystay ciidanka Gumaysiga Itoobiya iyo kuwa maleeshiyadda calooshood u shaqeysta yaasha ah.

 

Dagaaladda ayaa haatan ka socda Isgoyska KM4 iyo Iskuulka Imaamu Shaafici, iyagoo meelkastana la dhigay jidgooyo. Dagaalka oo maanta isku bedelay kacdoon shacbi ah ayey ka danbaysay kadib markii ciidanka Itoobiya ay shalay xasuuqeen dad rayad ah oo toboneeyo ruux ku dhow.

 

Maleeshiyada maamulka Mbgathi ayaa si wayn u kala daadatay iyadoo ciidanka Itoobiyanka oo dagaalkii shalay ilaa 20 askari ku dhowaad looga dilay uu niyad jab wayn ka muuqdo. Ciidamo Itoobiyan ah oo marayey wadada Maka Al-mukaramah oo ah marin keli ah ee ay maraan ayaa weerar lagu qaaday iyadoo hadii kaa laga xiro ay adkaan doono isku socodka ciidanka Itoobiyaanka.

Itoobiyaanka ayaa haatan ku aruursan xeryihii ciidan ee ay deganaayeen, iyadoo ay mudaaharaadyo rabshooyin wata ay ka socdaan dhamaan xaafadaha Muqdisho. Meelaha uu mudaaharaadku ka socdo ayaa waxaa ka mid ah agagaarka Karoonka kubadda Cagta ee Muqdisho halkaasoo ay ciidamo Itoobiyaan ah ku xareysanyihiin. Xoogaga Muqaawamadda ayaa gacanta ku ahayaa dhamaan Xaafadaha Al-baraka, Sheekh Cali Suufi, Hawlwadaag.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 



 


 

 webmaster@cigonet.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sawiro muujinaya kulan lagu taageerayo Maxkamadda
Birrul Islaam ee deg.
Ceeldheer iyo Galcad
28,09,2006

 

Mu’asasada Xifdinta qur’aanka ee Maclin Nuur oo soo gabogabeysay tartan Quraan Aqris ah


Khudbaddii uu Sheekh Shariif ka jeediyay Banaanbixii ka dhacay Banadir Stadium. (24-07-06)