Madaxweynaha kooxda Imbagati C/laahi Yuusuf Axmed
ayaa laga soo xigtay in uu aad uga naxay dad waxyeelo ay kasoo gaartay
rabshado dhawaan ka dhacay magaalada Garowe,kadib socdaal uu ku tagay
halkaasi,iyadoona kumanaan qof oo BM-ka Itoobiya ku geeriyootay uusan ka
xumaan.
C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in uu aad u jecel yahay in Puntland
ay reyn reyn iyo barare ku jirto isla markaana dhagihisa ay dhibeyso dad
waxyeelo ay kasoo gaartay dhibaatooyin ka dhacay gudaha Puntland.
''Aad baan uga naxay dadkii ku dhaawacmay dibad baxyadii dhawaan ka
dhacay Garoowe,dhaawan Puntland waxaan doonaya in ay noqoto meel aad u
nabdoon oo aysan ka dhicin wax dhibaatooyin ah''sidaasi ayaa laga soo
xigtay Madaxa kooxda Imbagati.
Hadalkaasi ayuu sheegay Yuusuf xilli kumanaan qof ay ku
halaaksameeun BM-kii Ciidamada Itoobiyaanka isagoona mar arrinkaasi uu
ka hadlayay ku tilmaamay mid Itoobiya ay isku difaaceyso.
Waxaana goor sii horeysay uu shaaciyay in uu baab'in doon dadka ku
nool Muqdisho,hadii ay si socdaan dhibaatooyinka ka taagan gudaha
magaalada Muqdisho.
Waxaa layaab noqotay in dadka muqdishana layku diro
cadowna loo adeegsado kuwana ay u guulwadeeyaan isla markaasna ku
hadaaqaan waxaan raali gelinaynaa beelaha kale xili iyaga lagu xasuuqayo
suuqyada muqdisho dadkiina xabsiyo laga buuxiyay iskuuladii iyo
isbitaaladiina la xiray.
Cigonet.com
webmaster@cigonet.com