Dagaal culus oo Ciidamo Ethiopian ku qabsaday gelinkii dambe ee maanta
Inta u dhaxeysa Matabaan iyo Guriceel, ilaa caawana soconaya
Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Bacda
ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu halkaas ka
soconaya, kaasoo u dhaxeeya Ciidamo Ethiopian ah iyo kooxo hubeysan oo
maalmahan isku uruursanayay Gobolkaas.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Gawaari Ethiopian jidka loo galay
kuwaasoo mareysay inta u dhaxeysa Degmooyinka Matabaan iyo Guriceel ee
Gobolada Hiiraan iyo G/gaduud.
Wararka ayaa sheegaya in weerarkaas kadib labada dhinac si toos ah isugu
dhaceen, waxaana la sheegayaa in Ciidamo kale oo Ethiopian ah oo ka
yimid dhinaca iyo Degmada Guriceel ay dagaalka ku biireen.
Wariyeyaal ku sugan magaalada Beled Weyn oo 42km u jirta goobta ay
dagaalada ka soconayaan ayaa sheegaya in ilaa shan askari oo Ethiopian
ah ay ku dhinteen Dagaalkaas.
Warar iyana laga helayo Deegaanka Jiirta-Qabno oo u dhow Degmada
Guriceel ayaa sheegaya in qasaare lixaad leh uu soo gaaray Ciidamada
Ethiopianka.
Ciidamada Ethiopia oo gelinkii hore ee maanta soo gaaray Degmada
Matabaan oo agagaaraheeda lagu arkay dagaalyahano hubeysan ayaa intii ay
joogeen aysan waxba la kulmin, balse markii ay sii baxayeen ayaa la
xaqiijiyay in wadada loo galay.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena Dambe
cigonet.com