•  

     Wararka

    MAYA HEERYADDA GUMEEYSIGGA MAYA.

 

  Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo
  Cadaaladda waxeey halkan ku Cambaareeynaayaan Xaaladda
  Fool xumadeeda leh,gef Qaran iyo ayaan darada weyn oo eey
  ku Dabaal degaayaan Caasimadii Qarankeena Muqdisho,kuwa
  Cadoowga ah,Gumeeysiga duulimaadka cad ku saa qaaday kuna
  Heeysta Dalkeena Hooyo-Wayaanaha Tigreega Ciidankiisa.
  Hadii anan dhulkaygoow 
  
     Dhaqa-dhaqaaqa Somaliyeed wuxuu u cadeeynaayaa Ummada
  Somaaliyeed Xalaasha ah,Wadaniyiin damiirka,Dareenka Nool
  leh iyo Inta Qiiradda Wadaniyadeed ku harsan tahay in arrintu
  tahay ku digasho iyo jees-jeesiyada Muwaadinka Somaaliyeed
  oo Maalin walba la xasuuqaayo,Haweenka la fara-xumeeynaayo
  iyo boobka burburinta Hantida Dadweynaha,Guul sheegasho iyo
  Xaalad farxadeeda oo Gumeeysiga Foosha xun iyo Raxanta ku
  hoos nool heeryadooda(Dowlad ku sheega beenta ah).
  Dhaq-dhaqaaqu halkan uga
  Gudbinaayaa Ummadda Somaaliyeed Fiiriin Wadaniyadeed ku
  Saleeysan Diidmadda Gumeeysigga iyo heeryadiisa,Difaacidda
  Dalkeena Hooyo,Karaamadeena Ummadeed,Xurmada Diinteena
  iyo Jiritaanka Somaliyeedba,waxaanu ku boorineeynaa Xaq eey
  u leeyihiin hanashada Dowlad Cadaalad iyo sinaan leh xor ah
  oo Madax banaanideeda leh,Hogaan Daacad ah u taagan fulinta
  Rabitaanka Ummadiisa,kana madax banaan qorshaha Shisheeye
  iyo Dhaqanka gacan ku dhiigle-nimadda,Difaacida Dalkeena waa
  Waajib Diineed,Qarameed iyo Akhlaadeed oo saaran Muwaadin
  Walba,Welee Wayaanoow kuma ledaan Dalka Somaliya-Walee.
  Aan Maalno Maandeeq.    
  
     Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu halkan Risaalad cad ugu
  Soo gudbinaayaa Hogaanka Dalka Itoobiya iyo Rajiimka Dalkiisa
  Khaayimay in eey ka waantoobaan Xasuuqa Ummada,Ciidanka
  Wayaanuhuna sida ugu dhakhsaha badan Dalkeena uga baxaan,
  Beesha Caalamkuna Masuuliyadooda akhlaaqeed gartaan,xilka
  Somaaliya ka saarana Gutaan,laguna dadaalo abuurida hanaan
  Cadaaladeed(Maxkamadda Dembiilayaasha Somaaliyeed)la soo
  Saaro dhammaan Gacan ku dhiiglayaasha,Qabqablayaasha iyo
  kuwa Gacmahooda Dhiiga Shacabka ku qubanaayaan.
  
  
   Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu yirri:-Maya Gumeeysi Maya
  Maya Xasuuqidda Ummadda Somaaliyeed Maya, Maya Rajiimka
  Gumeeysiga u adeega Maya,Maya Qabsashada Dalkeena Hooyo
  Maya,Maya Heeryada Gumeeysiga Maya,Maya Hogaan Gacan ku
  Dhiiglaha Maya,Maya Raiisal Wasaare ku Sheega been ah Maya.
  Maya Baarlamaanka Fadhiid ah Maya,Maya Fara gelin Shisheeye
  Maya,Walee Maya,Maya iyo Maya(Somaaliya Somaali baa leh).
  
  
  
  -Qorr-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
  -Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
  Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda-
  -England-UK-24/11/2007-

 

cigonet.com


 

 webmaster@cigonet.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sawiro muujinaya kulan lagu taageerayo Maxkamadda
Birrul Islaam ee deg.
Ceeldheer iyo Galcad
28,09,2006

 

Mu’asasada Xifdinta qur’aanka ee Maclin Nuur oo soo gabogabeysay tartan Quraan Aqris ah


Khudbaddii uu Sheekh Shariif ka jeediyay Banaanbixii ka dhacay Banadir Stadium. (24-07-06)