•  

Wararka Maanta

Ciidamada Kooxda Impagati  iyo kuwa Ethiopia oo macalimiin iyo arday kala baxay machadka Sunna (Dhageyso mid ka mid ah ardayda )

 

Ciidamo isugu jira  kuwa Impagati  iyo kuwa Ethiopia ayaa maanta macalimiin iyo arday kala baxay machad lagu magacaabo Sunna oo ku yaal agagaarka KM4 lamana garanayo sababta loo kaxeystay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo kooxda Impagati ay macallimiin kala baxaan macaahida magaalada Muqdishoa horey ayay kooxaha la shaqeeya gumeytaha u kaxeysteen 2 macaliin oo wax ka dhigayay machadka SIMAD.

 

Hibo Axmed Xirsi oo ka mid ah ardayda wax ka barata machadka Sunna ayaa sheegtay in ciidamada ay kaxeysteen  4 macalin iyo 25 arday oo wax ka baranayay machadka.

 

Ardayada ayaa intaa ku dartay in sidoo kale laga qaatay dugsiga documentiyo machadku lahaa ayadoo laga codsaday in ay sii deyso macalimiinta iyo ardayda.

 


Halkaan ka dhageyso Hibo Axmed Xirsi oo ka mid ah ardayda Machadka Suna

 

 

 


 

Cigonet.com

webmaster@cigonet.com