Ciidamada Dowladda Itoobiya ee ku sugan
Magaalada Muqdisho ayaa iyaga oo lugeynaya kuna hubeysan qoryo culus
waxay soo gaareen guri ku yaala Warshadda Caanaha ee Degmada Hodan,
waxaana xiligaasi hor kacayey Wiil Dhallinyaro ah oo indha ka xirnaa,
kaas oo geeyey Guriga ay ciidamada Itoobiya falka xun ka sameeyeen.
Ciidamada ayaa markii ay guriga tageen
waxay ugu tageen labo dhallinyaro ah oo la sheegay in ay ka mid
ahaayeen Maxaakiimtii Islaamiga, markii labada nin gacanta ku dhigeen
ayay gurigii dab qabadsiiyeen, iyagoo meel isugu keenay kitaabadii ay
akhrisan jireen labada dhallinyarada ah, waxaana falkaasi si aad ah
uga carooday dadkii deegaanka, kuna tilmaamay fal aad u fool xun.
Ciidamada Itoobiya ayaa labadii
dhallinyaro horey u watay, ilaa iyo haddana lama garanayo meel ay la
aadeen. Bishii Juun ayay ahayd markii Ciidamada Itoobiya ee ku sugan
agagaarka Kulliyaddii hore Jaale Siyaad ay halkaasi ku dileen saddex
wiil oo Walaalo ah, sidoo kale Ciidamada Itoobiya ayaa Isbitaalka
Shifa kala baxay dhowr qof oo dhaawac ahaa, kuwaas oo lagu tuhmayey in
ay la shaqeeynayeen maamulkii Maxaakiimta Islaamiga, hase yeehsee
wareegto uu dhawaan soo saaray Madaxweyne C/llalhi Yuusuf Axmed ayaa
waxa uu ku cafiyey dhamaan dadkii la shaqeynayey ama taageersanaa
Maxaakiimta, lama ganaranayo sababaha ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa
Dowladda u ugaarsanayaan ama u dhibaateynayaan dadkii taageersanaa
Maxaakiimta Islaamiga ah.