•  

     Wararka

 

Ogeysiis: Mudaharaad lagu cambaareynayo maalintii ay ciidamada gumeysiga Itoobiya qabsadeen Soomaaliya ayaa waxaa la qabanayaa December 28, 2007 

Ururka dib u soo noolaynta mustaqbalka Soomaaliyeed - Somali Future Reconstitution Union (SOFRU) oo taageersan Isbahasyiga Dib u Xoraynta Soomaaliyeed wuxuu ogaysiinayaa in Mudaaharaad uu ka dhici doono dhammaan caalamka oo dhan meel kasta oo Soomaaliyi joogto 28.12.2007 kaas oo lagu cambaaraynayo maalintii ciidamada gumaysiga Ethiopia qabsadeen caasimada soomaaliya ee Muqdisho. Waxaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee qiimaha iyo qadarinta mudan ee ku nool wadankaan Finland loogu yeerayaa inay ka soo qayb-galaan mudaaharaadkaan lagu cambaaraynayo ciidanka gumaysiga ethiopia ee qabsaday soomaaliya. 
 
Sidaa darteed, inta danaynayso
Islaanimada, midnimada, sharafta, xoriyadda iyo walaalnimada ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa inay usoo baxaan maalintaas murugada leh ee uu dalku galay gacanta gumaysiga Ethiopia. 
 
 

Goobta la isugu imanayo: Stockmann hortiisa
Taariikhda iyo waqtiga:  December 28, 2007, Saacada 14:00
Socodku waa min Stockmann Ilaa Safaaradda Marakaynka

Sidoo kale waxaan dhamaan bulsho waynta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto ugu baaqaynaa inay qabtaan mudaaharaad kan lamid ah 28.12.2007 oo ah maalin murugo badan u leh shacabka Soomaaliyeed kadib markay cagaha nijaasta ah soodhigeen ciidamada cadawga (Ethiopia) caasimada soomaaliya ee muqadaska ah ee Muqdisho!!!!. ayagoo horayna u qabsaday wadanka intiisa kale mar sii horaysay. 
 
Ugu dambayntii waxaan dhamaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay gacmaha is wada qabsadaan isuna kaashadaan sidii dib dalkooda ugu xoraysan lahaayeen. 
 
Ururka Somali Future Reconstitution Union (SOFRU) 
Tel.0449491212 
Helsinki, Finland 
 
Mahadasanadiin.


 

 webmaster@cigonet.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sawiro muujinaya kulan lagu taageerayo Maxkamadda
Birrul Islaam ee deg.
Ceeldheer iyo Galcad
28,09,2006

 

Mu’asasada Xifdinta qur’aanka ee Maclin Nuur oo soo gabogabeysay tartan Quraan Aqris ah


Khudbaddii uu Sheekh Shariif ka jeediyay Banaanbixii ka dhacay Banadir Stadium. (24-07-06)