Ciidamadii Itoobiyaanka ee shalay ku
jiray dagaalkii ka dhacay Towfiiq ayaa waxaa ay toogteen 7 qof oo rayid
ah oo saaka meydadkooda laga helay goobahaasi,waxaana taasi ay ka
danbeysay markii Ciidamada khasaare ay kala kulmeen dagaalkii shalay.
Sida ay ku warameen qaar kamid ah dadka deegaanka Towfiiq Ciidamada
Itoobiyaanka waxaa ay isku soo uruuriyeen dhamaan dadkii ay qab qabteen
oo wada rayid ahaa iyagoona ku toogtay Bartamaha Laamiga kadbina isaga
dhaqaaqay.
Dadka la toogtay ayaa isugu jiray 2 Gaari Gacanley aheyd,2 Gaari dameer
layaal ahaa iyo 3 nin oo lagala soo baxay Garaashyo ka ag dhawaa goobaha
la isku dagaalay.
Falkaasi ayaa la sheegaya in ay ku dhaqaaqeen Ciidamada Itoobiyaanka
kadib markii khasaare lixaad leh uu kasoo gaaray dagaalka isla markaana
ay ku dhinteen in ka badan 9 Askari oo qaarkood dadka rayidka ah ay
arkeen.
Inta badan waxaa Ciidamada Itoobiyaanka ay ka aargoostaan dadka rayidka
ah ee Muqdisho markii waxyeelo la gaarsiiyo,waxaana la xusuustaa mudo
bilooyin laga joogo iminka in Itoobiyaan lagu qarxiyay agagaarka Shiir
Kolle ay guryihii ka ag dhawaa kala soo baxeen dad ayna laamiga ku
toogteen dadkaasina waxaa kamid ahaa 3 wiil oo wada dhalatay.