Ciidamada AMISOM oo saaka ku faafay Jidka Warshadaha, dibna
uga soo laabtay dagaalo ku qabsaday kadib
Ciidamada AMISOM ayaa waabarigii saaka ku faafay
Jidka Warshadaha, iyadoona dagaalo ku qabsaday wadadaas intii ay ku
guda jireen ku faafidooda, waxaana kadib saacado dib uga soo
laabteen wadadaas.
Howl galka AMISOM oo ahaa mid filan waa ah ayaa waxaa mar kaliya
kula jarmaadeen Warshadaha Gawaarida gaashaaman oo ay ku jiraan
Taangiyada, iyagoo tagay Wasaaradii gaashaandhiga ilaa Ifka Xalane.
Dagaalo kooban oo lagala hortagay kadib ayaa la sheegay inay ka
dhasheen qasaare kala duwan oo Rayid soo gaaray, waxaana wali kala
cadeyn qasaaraha rasmiga ee dhinacyada soo gaaray.
Xoogaga Kacdoonka ayaa weeraro ku ekeeyay Ciidamada, kadib markii
sida la sheegay ka soo laabteen meelihii ay ku fideen, waxaana dhaq
dhaqaaqooda ahaa mid ay ugu kuur galayeen xaalada.
Afhayeenka u hadlay Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in dhaqaaq ay ka
sameeyeen wadadaas kadibna ay dib uga soo laabteen, waxaana uu
beeniyay in iska caabin lagala hor yimid.
Si kastaba ha ahaate dhaq dhaqaaqan cusub oo ahaa kii u horeeyay
ayaa waxaa uu calaamad u yahay isku dayga ay AMISOM ku dooneyso inay
Mustaqbalka fariisimo ka dhigtaan qeybo ka mid ah xeryaha ku yaala
Wadada Warshadaha
Xuseen Cali Nuur " Mogadishu"
"cigonet.com"