Degmada Buuloburde oo ay la wareegeen ciidamda dowladda .......

 

Degmada Buulaburde(250 KM waqooyiga Muqdisho ka xigta) ayaa gacanta dowladda ku soo laabatay kadib markii ay galeen ciidamada dowlada oo uu hogaaminayay General Muqtaar Xuseen Afrax.

 

Dadweynaha magaalada oo isku soo baxay  ayaa waxa la hadlay General Muqtaar Xuseen Afrax wuxuuna u sheegay in ay is dejiyan, dowrna ka qaataan sugida nabad gelyada, isagoo sii raaciyey in hadda wixii ka dambeeya ay dadweynuhu dareemi doonaan xoriyad badan, sida uu hadalka u dhigay.

 

Generaalka iyo Ciidamada uu hogaaminayo ayaa maalmihii tagay si tartiib ah ugu soo siqayay dhanka magaalada BuulaBurte, waxaana iska horimaad uu ka dhacay saakay Buundada Buula Burte  oo ay isku fara saareen ciidamda dowladda iyo Xarakatu Alshabab oo saakay laga faramaroojiyey gacan ku heynta degmada Buuloburde.

 

Xoogaggii Alshabab ayaa la sheegay in ay baxsadeen dhinaca gobolka Sh/dhexe oo haatan ay intiisa badan iyagu ka taliyaan.

 

Buulo Burte waa magaalo muhim ah, oo isku xirta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, waana magaalo isrtaatiji u ah  dhaqdhaqaaq kasta oo la doonayo in laga abbaaro gobollada dhexe oo dhan.

 

Waa magaaladadii labaad oo laba maalmood gudohood u gacan gasha ciidamo taabacsan dowladda Soomaaliya, ayna kala wareegaan Xoogagga Islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda.

 

Xuseen Cali  Nuur " Mogadishu"


 

"cigonet.com"

 

 

 

 

Shirkii Sweden ee hurumarinta deegaanka Galcad iyo magaalooyinka hoos yimaadda Daawo Sawirada

Halyeygii S.Y.L Cismaan Geedi Raage (taariikh kooban)
Lorem ipsum dolor sit amet, consectetuer adipiscing elit, sed diam nonummy nibh euismod tincidunt ut laoreet dolore magna aliquam erat volutpat. Ut wisi enim ad minim veniam, quis nostrud exerci tatio
Lorem ipsum dolor sit amet, consectetuer adipiscing elit, sed diam nonummy nibh euismod tincidunt ut