Golaha Wasiirada Xukuumadda KMG ee Soomaaliya oo maanta la isku shaandheeyay iyo wasiiro cusub oo la magacaabay Warfaafinta iyo lacagta

 

Warkan oo aan ka helnay ilo ka tirsan dowladda Soomaaliya, ma ahan mid rasmi loogu dhawaaqay.

 

Sida ilahaasi ay xaqiijinayaan waxaa isbeedelku saameeeyay Wasaarado dhowr ah oo ay ka mid yihiin Arrimaha Dibadda, Difaaca iyo Maaliyadda oo laga dhinac sameeyay Wasaaradda Lacagta.

 

Waxaa la sheegay in Wasiirka keliya oo xilka laga qaaday uu yahay Farxaan Cali Maxamed oo lagu beddelay Daahir Maxamuud Geelle oo ka tirsanaan jiray Maxakamadaha Shareecada isla markaana ah milkiilaha Idaacadda Quraanka Kariimka.

 

Wasaaradda cusub ee lacagta waxaa Wasiir loogu magacaabay Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo loo yaqaan Inj Yariisow, oo hadda ah Madaxa Protocolka Madaxtooyada, isla markaana hore u ahaa Madaxa Xafiiskii Raiisal Wasaarihii hore.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa la sheegay in Cali Jaamac Jengeli oo hore u hayn jiray haddana dib loogu soo celinayo, iyada oo Wasaaradda Difaacana loo magacaabay Cabdalla Boos Axmed.

Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo ahaa xiddigga cusub oo dowladda uga soo biiray Hargeysa ayaa isaga la sheegay in loo magacaabay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha.

 

Prof Maxamed Gaandi ayaa loo magacaabay Wasiirka Gaadiidka.

Waxaa naga xusuus ah in inkastoo ilaha warkan aan ka helnay ay yihiin kuwo lagu kalsoonaan karo, in haddana aan weli wax rasmi ah oo xaqiijinaya isbeddelkani aanay soo bixin.

 

 

 

Xuseen Cali  Nuur " Mogadishu"


 

"cigonet.com"

 

 

 

 

Shirkii Sweden ee hurumarinta deegaanka Galcad iyo magaalooyinka hoos yimaadda Daawo Sawirada

Halyeygii S.Y.L Cismaan Geedi Raage (taariikh kooban)
Lorem ipsum dolor sit amet, consectetuer adipiscing elit, sed diam nonummy nibh euismod tincidunt ut laoreet dolore magna aliquam erat volutpat. Ut wisi enim ad minim veniam, quis nostrud exerci tatio
Lorem ipsum dolor sit amet, consectetuer adipiscing elit, sed diam nonummy nibh euismod tincidunt ut