•  

     Wararka

Soomaalida degan wadanka Finland oo sameeyay banaan bax weyn oo looga soo horjeedo qabsashada Itoobiya ay qabsatay Soomaaliya iyo xasuuqa ciidamadeedu ka wadaan magaalada Muqdisho. Boqolaal Soomaali ah ayaa lug ku maray bartamaha magaalada Helsinki ilaa xafiiska Yurub (Europian Union Office).

  Dad ayaa ku dhawaaqayay erayo ay kamid yihiiin ZANAWI WAA DILAA DEMBILE AH , SOOMAALIYA SOOMAALI BAA LEH, XASUUQA HALAGA DAAYO SOOMAALIDA, ITOOBIYA HA BAXDO iyo erayo kale oo la mid ah.

 

Xafiiska yurub waxaa la gudoonsiiyay cabasho qoraal ah oo ku saabsan waxa ka dhacaya soomaaliya. Intaas ka dib dadkii banaan baxayay waxaa ay u dhaqaaqeen barlamaanka wadanka Finland halkaasoo ay ku qaabishay naagta hogaamisa xisbiga Green Party Heidi Hautala horana u aheyd wasiir hadana xisbigeedu dhowr wasiir  ku leh dowlada. Sidoo kale waxaa soomaalida qaabilay

laba xildhibaan oo ka  socday Social Party.  Heidi Hautala waxaa ay balan qaaday in xisbigeedu uu warbixin ka soo saari doono arimaha ka taagan soomaaliya isla markaasna ay

taageersan yihiin in dadka iyo dalka soomaaliyeed loo daayo ayahooda ciidamada shisheeyana ka baxaan.

 

Xildhibaanadii kale oo qaabilay soomaalida ayaa sheegay in ay ka raadinayaan baarlamaanka Finland in go'aan ka qaataan kadibna u horgeeyaan barlamaanka yurub.

 

Waxaa kale oo ka hadlay culumaa udiin , aqonyahano iyo wax garad soomaaliyeed sidoo kale waxaa halkaas ka soo jeediyay buruunbur gabar soomaaliyeed oo kamid aheyd banaan baxa yaasha.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cabdi Macalin Cumar

 

 

 


 

 webmaster@cigonet.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sawiro muujinaya kulan lagu taageerayo Maxkamadda
Birrul Islaam ee deg.
Ceeldheer iyo Galcad
28,09,2006

 

Mu’asasada Xifdinta qur’aanka ee Maclin Nuur oo soo gabogabeysay tartan Quraan Aqris ah


Khudbaddii uu Sheekh Shariif ka jeediyay Banaanbixii ka dhacay Banadir Stadium. (24-07-06)