|
Cidanka Ahlu Sunah Waljamaacah ee cagta
mariyay Kooxdda AL shabaab ee dulaanka ku aaday Galcad ayaa sacadaha
soo socto waxay ku wajahan Magalaadda Jowhar.
Cidanka Ahlu Sunah Waljamaacah oo cagta mariyay Kooxaha AL shabaab
ee ee ku sugnaa gobolka Galgaduud ayaa lugta soo geliyay Degmada
Ruunirgood iyagoo socadaha socda ku aadan magalladda Jowhar ee
Sh/Dhexe si ay ugu sifeeyaan Kooxdda Alshabaab.
Ahlu Sunah ayaa dharbaaxo xoog baddan ku dhiftay Xoogaga Alshabaab
kadib markii uu dagaalo labadii maalmood ay kula galeen deegaanka
Galcad ee Galgaduud xuduudna la leh Sh/Dhexe kooxda Alshabaab
halkasoo ay ku dileen Taliyihii kooxda Alshabab oo lagu magacaabi
jiray Kabokudukadde waxaana firxad ka mid ah ciidamada Shabaab ay u
soo baxsaday deegaano ka tirsan gobolka.
Warark ka imaanayo Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe,
ayaa shegaya inay wadaan Xoogaga Alshabaab ee gacanta ku haaya inay
rabaan inay ka baxsadaan magaladda markii ay kuso dhawadaan Kooxada
Ahlu suna wal jamaaca , waxaana jirta cabsi ah in Ahlu Sunah ka soo
geli donaan wadooyinka deexda ee soo aada deegaanada cariga ah ee
dhanka bari .
Meel kasta oo ay joogaan ayaan ugu weerareynaa, waana ku sii jeednaa
Magaalada Jowhar"ayuu yiri Abuu Yuusuf.
Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf ayaa ugu baaqay dadka ku dhaqan
Sh/Dhexe inay bilaabaan kacdoon ku aadan sidii ay ula dagaalami
lahaayeen waxa uu ugu yeeray Khawaarijta uuna u sheega in si dhib
yar ay sacadah soo socda ay kula wereegidonaan magaladda jowhar .
Alshabaab ayaa hada ku jirta xaalad go'doon ah, kadib markii dhowr
meelood uu dagaalo kaga furmay, isla markaana ay ku jabeen, waxaana
hada qaar badan ciidamadooda jiraan Ceel Buur halka qeyb kale ka
joogte deegaanada Hiiraan sida Buulo Burde.
Shaxda dagaal ee u degsan Ahlu Sunah ayaa ah inay weeraro saf
ballaaran ku qaadaan oo dhinac walba ah, iyagoo dhanka Shabellaha
dhexe uga sii gudbaya dhanka Degmada Ceel Dheer oo ka tirsan
G/gaduud kuna dhow deegaanada Shabellaha Dhexe.
Dhanka kale Magaladda muqdisho oo laga yaabo inay kuso firxadaan
koxdaan ALshabaab ayaa waxaa laga daremayay dhaqaaq Ciidan oo aad u
xoog badan iyadoo la arkayay sakay Ciidamada
AMISOM oo wata Taangiyo oo garay degmooyinka Shibis ,C/Casiis iyo
Kaaraan waxayna halkaas ay ka sameysteen saldhigyo Bar Fiat , Hotel
Jubba.
Dhinaca kale xoogaga ka soo horjeeda DFKM ee
ku sugan W/Muqdisho ayaa dib uga gurtay meelihii ay ku sugnaayeen
iyaga oo gudaha u galay xaafadaha waxaana muqato Kooxdda Ahlusunaha
oo kusoo wajahan Ilaa Balcad qaybaha haray ay dowaldda ku meel
gaarka ay dhamaystiro rabto inta dhiman dagaalna uu ka dhamaan rabo
hal qab iyadoo uu dagaalka u wareegi doono wixii afgooye ka
shisheeya
Xuseen Cali Nuur " Mogadishu"
"cigonet.com"
|