Gudoomiyaha Degmada Galcad oo wareysi uu siiyay BBC u sheegay in beesha Waceysle ay iska difaacday kooxda alshabaab.

 

wareysiga gudoomiya Galcad BBC

 

Gidoomiyaha degmada Galcad ee gobalka Galguduud Ismaan Macalin Axmad ayaa  wareysi uu siiyay idaacada BBC ku sheegay in ay iska difaaceen kooxdii Alshabaab oo weerarka ku soo qaaday degaanada beesha Waceysle ee kala ah degmooyinka Galcad iyo Ceeldheer.

 

Gudoomiyuhu waxaa uu sheegay in ay dhamaan dib ula wareegeen dhulkii uu Alshabaabku ka qabsaday kadib dagaal dhacay laba maalin oo is xigta.

 

Beesha Waceysle waxaa ay go'aan ku gaartay inay iska difaacdo kooxda Alshabaab ayuu yiri gudoomiyuhu, anagu kama tirsanin ururada iyo kooxaha dagaalka wada lakiin wada shaqeyn ayaa naga dhaxeysa anaga iyo dawlada.

 

 

 Mar la weydiiyay cida la dagaashay Alshabaab ayaa waxaa uu ku jawaabay "Alshabaab waxaa la dagaalay ciidamada degaanka oo difaacaya dhulkooda".

 

Qasaaraha dagaalkan ka dhacay degmada Galcad ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen 23 qof sida ay xaqiijiyay.

 

 

 

Xuseen Cali  Nuur " Mogadishu"


 

"cigonet.com"

 

 

 

 

Shirkii Sweden ee hurumarinta deegaanka Galcad iyo magaalooyinka hoos yimaadda Daawo Sawirada

Halyeygii S.Y.L Cismaan Geedi Raage (taariikh kooban)
Lorem ipsum dolor sit amet, consectetuer adipiscing elit, sed diam nonummy nibh euismod tincidunt ut laoreet dolore magna aliquam erat volutpat. Ut wisi enim ad minim veniam, quis nostrud exerci tatio
Lorem ipsum dolor sit amet, consectetuer adipiscing elit, sed diam nonummy nibh euismod tincidunt ut