Wasiirka arrimaha dibada
Jabuuti ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ku soo biiraan howl
galka Amisom si loo taageero dowladda soomaaliya,
(15-08-2009)Dowladda Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday inay diyaarisay
hal guuto oo ciidamo ah oo qeyb ka noqon doona ciidamada Amisom ee
ku sugan magaalada Muqdisho, si ay xoojin ugu noqdaan dowladda
soomaaliya oo wajaheysa weeraro uga imaanaya mucaaradka.
Wasiirka
arrimaha dibada Jabuuti ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ku
soo biiraan howl galka Amisom si loo taageero dowladda soomaaliya,
waxaana hadalkan uu ka sheegay magaalada Kampala ee dalka Uganda
xilli uu kula kulmayay Wasiirka arrimaha dibada Uganda.
Maxamed cali
Yuusuf ayaa sheegay in ay rajeynayaan in howl galka nabad ilaalinta
Amisom uu guuleysto, si dowladda soomaaliya ee wadankeeda lagu soo
dhisay lugaheeda ugu istaagto.
Wasiirka ayaa uga mahad celiyay
kaalinta ciidamada ka socda Uganda iyo Brundi ka qaataan howlaha
nabad ilaalin ee soomaaliya iyo taageerada ay siinayaan dowladda
kmg.
Dowladda
Jabuuti ayaa dhowaan magaalada muqdisho u soo dirsatay saraakiil u
kuur galayay xaalada magaalada si ciidamo ka socda Jabuuti u soo
gaaraan,waxaana sidoo kale beryihii ugu dambeeyey isa soo tarayay
warar sheegayey in Ciidamo ka socda wadanka Jabuuti ay safka hore ka
geli doonaan dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxaha Mucaaradka,
wararkaasi oo maanta si rasmi ah u soo baxay.
Xuseen Cali Nuur " Mogadishu"
"cigonet.com"