Kooxda Alshabaab oo laga saaray degmada Galcad.

 

Dagaal culus oo maantay ka dhacay degmada Galcad  ayaa ugu danbeyntii looga awood roonaaday kooda Alshabaab. Dagaalkan oo ay si  gaadmo ah u soo qaadeen kooxda Alshabaab  ayaa waxaa markii hore u suura gashay inay qabsadaan Degmada Galcad.

 

Hase yeshee beesha degaanka ayaa weerar rogaal celis ah ku soo qaaday kooxdii Alshabaab waxaana ay dib ula wareegeen dhamaan dhulkii ay shabaabku qabsadeen.

 

Dagaalkii maanta oo ahaa mid aad u culus ayaa waxaa uu geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaac fara badan oo leh labada dhinac. Ilaa iyo hada waxa la xaqiijiyay inay dagaalka ugu dhinteen beesha degaanka ee  Cali-Gaaf alla u naxariistee ragan:

 

 Magacyada ragii u dhintay difaaca Galcad

1 Cabdullahi Xasan jimcaale
2 Cabdullhi Xasan Dhiblaawe Cariif
3 Cali Cabdullahi Ileey
4 Garba Adag
5 Ina Axamad Shirwac
6 Cadullaahi Geesoole

 

 

Kooda Alshabaab oo uu hogaaminay Kaba-ku dukade ayaa markii hore waxaa u qorsheysnaa inay qabsadaan  Mesagawaay hase yeshee waxaa la hordhigay difaac adag iyagoo markii danbe dagaalka u wareejiyay degmada Galcad.

 

Cidamadii soo weeraray Galcad ayaa la sheegay inay ka yimaadeen gobalka shabeelada/Dhexe.

Sikastaba ha ahaateen waxaan la ogeyn in Alshaab ay soo rogaal celiyaan donaan iyo in ay ku laaban doonaan goobihii ay duulaanka ka soo qaadeen.

 

 

 

Xuseen Cali  Nuur " Mogadishu"


 

"cigonet.com"

 

 

 

 

Shirkii Sweden ee hurumarinta deegaanka Galcad iyo magaalooyinka hoos yimaadda Daawo Sawirada

Halyeygii S.Y.L Cismaan Geedi Raage (taariikh kooban)
Lorem ipsum dolor sit amet, consectetuer adipiscing elit, sed diam nonummy nibh euismod tincidunt ut laoreet dolore magna aliquam erat volutpat. Ut wisi enim ad minim veniam, quis nostrud exerci tatio
Lorem ipsum dolor sit amet, consectetuer adipiscing elit, sed diam nonummy nibh euismod tincidunt ut