Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha baarlamaanka oo maanta sagootiyay Taliyihii ciidamada Amisom oo la badalay

 

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana aheyd mid lagu sagootinayay Taliyaha Ciidamada AMISOM ee howl galka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada.

Dowladda KMG oo laheyd qaban qaabada Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe.

Taliyaha Ciidamada AMISOM Jen, Farancis Okello oo dhowaan la badalay ayaa waxaa lagu badalay Taliye cusub, kadib markii uu in muddo ahaa Hogaamiyaha Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Qudbado ay maanta ka jeediyay xafladii lagu sagootinayay Jen. Okello ayaa waxaa ka hadlay Madaxweyne Shariif isagoo ammaan weyn u jeediyay Jen, Farancis Okello howlihii uu ka qabtay Soomaaliya.

"Runtii Jen, Okelle waa walaalkeen, wuxuu la jecel yahay umadda soomaaliyed, waana ku ammaanan yahay howlaha wanaagsan iyo dadaalka uu sameeyay intii uu xilkan hayay"ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo isna ka hadlay Munaasabada ayaa u rajeeyay Okello niyad wanaag iyo in Jenanka cusub ee lagu badalay uu la mid noqday sida Jen. Okello oo kale.

Jen, Farancis Okello oo u dhashay Dalka Uganda ayaa sheegay inuu aad uga faraxsan yahay howsha uu ka waday Soomaaliya, waxaana uu cadeeyay inuu ku haqeynayay qodobo qaran oo sharci ah, kuwaasi muhiimadooda ahaa howl galka AMISOM.

"Waxaa u mahad celinayaa madaxda Dowladda KMG, waxaan cafis weydiisanaa dhamaan Umada Soomaaliyed, waxaana u rajeynayaa in nabada ku dadaalaan ayna is ixtiraamaan"ayuu yiri Jen, Okelle.

Jenanka cusub ee lagu badalay Okelle oo lagu magacaabo Jen, Nathan Mugishy ayaa la filayaa in dhowaan xilalka ku kala wareegaan Magaalada Kampala marka uu tago Jen, Okelle, waxaana xilligaas iyo wixii ka dambeeya la filayaa inuu soo gaaro Jeneraalka cusub.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo u jooga ilaalinta Mas'uuliyiinta Dowladda, waxaana ay ku sugan yihiin goobo dhowr ah oo cayiman, kaasoo ammaankooda gacanta ku hayaan

 

Muqdisho-Soomaaliya


 

calidhuux86@hotmail.com

 

 

 

 

Shirkii Sweden ee hurumarinta deegaanka Galcad iyo magaalooyinka hoos yimaadda Daawo Sawirada

Halyeygii S.Y.L Cismaan Geedi Raage (taariikh kooban)
Lorem ipsum dolor sit amet, consectetuer adipiscing elit, sed diam nonummy nibh euismod tincidunt ut laoreet dolore magna aliquam erat volutpat. Ut wisi enim ad minim veniam, quis nostrud exerci tatio
Lorem ipsum dolor sit amet, consectetuer adipiscing elit, sed diam nonummy nibh euismod tincidunt ut