•  

     Wararka Maanta

Xubno kamid ah Baarlamanka Xorta ah oo ka dagay degmada Bu'aale.

 

Xubno kamid ah Baarlamanka la baxay Xorta ayaa maanta gaaray marki ugu horeysay tan iyo markii ay kaso horjesteen dawladda qeybo kamid ah dalka Somaliya.
 


Xubnahaasi oo tiradooda aan la sheegin ayaa kasoo galay dhanka magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea oo farisin u noqotay dhaman kooxaha kaso horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka ku qabsaday xooga 28.12.2006 sannadkii la soo dhaafay iyo kooxda Imbagati ee la shaqeysa Itoobiyaanka.
 


Warar aanu ka helnay degmada Bu'aale ayaa sheegaya in halkaasi ay hada  kulamo kula leeyihin xubnahasi masuuliyiinta deegaanka iyagoo kala xaajoonaya sida wararku sheegayaan arrimo ku aadan danaha ummadda soomaaliyeed.

Waa markii ugu horeysay ee Baarlamanka Xorta ah xubno kamid ah ay soo gaaraan magaalada Bu'ale iyadoona ay xubnhaasi intooda badan ku sugan yihin dalkaasi Eritrea.



kooxda Imbagati ee shegata dawladnimada oo aad uga soo horjeeda xubnahasi ayaan la ogeen tallaabooyinka ay qaadi doonaan hase yeeshee gobollada Jubooyinka ayaysan adood ku lahayn ciidamada Itoobiya.

 

 

Cigonet.com

 

 

 

 webmaster@cigonet.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sawiro muujinaya kulan lagu taageerayo Maxkamadda
Birrul Islaam ee deg.
Ceeldheer iyo Galcad
28,09,2006

 

Mu’asasada Xifdinta qur’aanka ee Maclin Nuur oo soo gabogabeysay tartan Quraan Aqris ah


Khudbaddii uu Sheekh Shariif ka jeediyay Banaanbixii ka dhacay Banadir Stadium. (24-07-06)