Sheekh Yusuf
Indhacade oo sheegay in uu Shabaabka ka tirsan yahay isla
markaana dagaalka ka soconaya
Thursday, 08
November 2007
Sheekh
Yusuf Maxamed Siyaad ”Indhacade’’ oo dhowaan loo magacaabay
xoghayaha gaashaandhiga ee Isbahaysigii dhowaan lagu dhisay
dalka Eritrea oo Waraysi siiyay Maanta Idaacadda BBCSomali ayaa
sheegay in dagaaladda ka dhacaya Muqdisho ay u dhexeeyaan iyaga
iyo Ciidanka Ethiopia.
Waxaa kaloo uu sheegay in ay
difaacayaan dalkooda oo uu sheegay in ay soo weerareen Ciidanka
Ethiopia iyo Dawladda kumeel gaarka oo uu ku tilmaamay
calooshood u shaqaystayaal.
Indhacade ayaa
sheegay in aysan jirin khilaaf u dhexeeya Shabaabka iyo
Muqaawamada, waxaana uu sheegay in uu isagu kamid yahay
Shabaabka oo aanay jirin wax khilaafaad ah oo u dhexeeya kadib
markii todobaadkii lasoo dhaafay uu sheegay Abu Mansuur in aysan
aqoonsanayn Isbahaysiga Asmara lagu soo dhisay.
Indhacade waxaa
uu tilmaamay in ay ugu baaqayaan caalamka in si dag dag ah
loosoo dhexgalo arinta Soomaaliya oo laga hortago xadgudubyada
ka dhacaya dalka Soomaaliya ee ay gaysanayaan ciidanka Ethiopia
ee haatan dalka ku sugan.