|
06
Nov 2007 Asmara - Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa tilmaamay
inay Ciiddamaddaasi adeegsadaan argagax-gelinta shacbiga
Somalia, waa sida uu hadalka u yiri, isagoo xusay inay
Ciiddamadda Ethiopianka bilaabeen inay dadka gowracaan, iskana
xasuuqaan.
Mas’uulkaasi oo mar ka madax ahaa Golihii Maxkamadda Islaamka
Somalia ee dabayaaqaddii sannadkii hore loogu itaal-sheegtay
dagaallo ay Ciiddamadda Ethiopianka kula galeen qeybo ka tirsan
Koonfurta Somalia, ayaa sheegay inay Ciiddamadda Ethiopianka
yihiin Calooshood-u-shaqeystayaal u adeegaya danaha dowladda
Maraykanka iyo dowladdo kale, waa sida uu hadalka u yiri
Hoggamiyahaasi oo miisaan ku leh Taageeradda Shacbiga
Soomaaliyeed.
Mar wax laga weydiiyey sida uu u arko Hawlgalladda ay
Ciiddamadda Ethiopianka ka wadaan qeybo ka tirsan magaalladda
Muqdishu, waxa uu carrabka ku dhuftay inay Siyaasadda Meles
Zenawi fashilmi doonto, isla markaana ay Ciiddamaddiisa la kulmi
doonaan cawaaqib-xumo.
Sheekh Shariif, waxa u uugu baaqay Shacbiga Soomaaliyeed inay u
midoobaan halganka dib loogu xorreynayo dalka Somalia, isla
markaana ay wadaan Kacdoonka ay kaga soo horjeedaan Ethiopianka,
waa sida uu hadalka u dhigay.
Mar wax laga weydiiyey aragtida Isbahaysigiisu ka qabo
Baasaboorka (E-Passaport) ee ay Dowladda Federalka hirgelinayso,
waxa uu sheegay inaan Baasaboorkaasi caalamka la aqoonsanayn,
maadaana uu dalka somalia gacan gimeysi ku jiro, waa sida uu
hadalka u yiri, isagoo intaa raaciyey in Baasaborka Somalia ee
la aqsoonsan yahay kii ay Dowladdii hore soo saartay.
Mar wax laga weydiiyey dadka Xujeyda ee lagu amray inay
Baasaborka cusub (E-Passaprt) qaataan si ay Waajibaadka Xajka ee
sannadkan u soo gutaan, waxa uu ugu baaqay Xujeyda inay
kharajkooda Ilaahay dartiisa ugu yaboohaan dagaalka Jihaadka ee
lagula jiro Ciiddamadda Ethiopianka ee xoogga ku joogta dallka\eenna,
waa sida uu hadalka u yiri.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Isbahaysiga Dib-u-soo-nooleynta dalka
Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaa wax laga weydiiyey
sababaha ay DFKMGS ugu eedeynayaan inay Dowladda Ethiopia xulufo
la tahay, halka uu
|