Shir ay isugu yimaadeen jaaliyaddaha
Finland iyo Norway oo ka shiray horuumarinta degmada Galcad.
Shir ay isugu yimaadeen jaaliyaddaha Finland iyo Norway
oo ka shiray horuumarinta degmada Galcad iyo tuulooyinka hoos yimaada.
Shirka ayaa lagu soo bandhigay filim iyo warbixino muujinaya
mashaariic dhowr ah oo laga hirgeliyay degmadda Galcad iyo Messagawaay
kuwaas oo kala ahaa: dhismaha Xarunta degmada Galcad , Guriga martida ,
xabsi oo laga hirgeliyay degnadda Galcad iyo degaanka messagawaay oo
laga hirgeliyay Dugsi Hoose oo lagu magac daray Sheikh
Ibraahim Primary School , Isbiltaalkii oo dayactir lagu sameeyay
dibna loo weynaayay iyo saldhig booliis.
Jaaliyaddaha Filnland iyo Norway waxaa ay aad ugu
farxeen isku duubnida ay muujiyeen jaaliyaddaha dibada iyo kuwa dalka
gudiisa iyo dadaalka uu muujiyay sheikh Caamir Sheikh Ibraahim ,
gudoomiyaha degmada Galcad Cabdiramaan Maxamuud Yabaroow taas oo suura
gelisay in maanta degmadda Galcad iyo degaanka messagawaay ay helaan
goobo loogu adeego dadka sida Isbitaal , Iskuul, Isteeshin iyo maamul.
Nabaad Guurka Dhulka
Jaaliyaddaha Finland iyo Norway waxaa kale oo ay ka
shireen sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada nabaad guurka. Qodobkaan
waxaa loo arkay inuu yahay mid muhiim ah maadaama uu nabaad guurku
saameyn ku yeelanayo nolosha bulshada degaalka degmooyinka Galcad iyo
Ceeldheer iyo degaanada hoos yimaada.
Dood dheer kadib waxaa laysla gartay in ay muhiim tahay
in wax laga qabto nabaad nabaad guurka. In la sameeyo wacyigelin ah in
aan laga jarin geedaha meelaha u dhow magaalooyinka , in lagu talaalo
dhir hareeraha magaalooyinka.
ugu danbeyn waxaa laysku raacay in lala xiriiro maamulka
degmada iyo jaaliyaddaha kale lagana dhegeysto sida ay latay ugu
danbeyna la qaato talaab wada jir ah. Shirka waxaa uu ku dhamaaday guul.
Waxaana hambalyo loo soo jeediyay Sheikh Caamir , gudoomiyaha degmada
Galcad Cabdirahmaan Mahamuud Yabaroow iyo Maxamad Xaaji Cali.
Ka qeygalayaasha shirka waxaa kamid ahaa:
1.Muuse Ibraahim Rooble
2.Cabdullahi Maxamad Yallaxoow
3.Bashiir Ibraahim Rooble
4.Ibraahim C/casiis Sheikh Ibraahim(Ibraahim Galcad)
5.Inj. Cabdirahmaan Maxamad Faarax Hilowle
6.Inj. Cabdi Macalin Cumar






Cigonet.com
webmaster@cigonet.com