|
|
|
|
|
Wararka Maanta |
|
Khilaaf siyaasadeed ayaa la sheegaya in uu soo kala dhex
galay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxweynaha Somaliya ee kooxda
Imbagati qilaafkaas oo ku aadan maamulka gobolka Banaadir iyo
qorshooyin Max'ed Dheere uu wato.
Gudomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ol ole xoogan ugu jira sidii uu kaga
dhaadhicin lahaa dhamaan beelaha Hawiye in ay dhistaan Maamul goboleed
ka madax banaan dawlada Federaalka kaasi oo Maxamad Dheere
madaxweyne uu ka noqonayo.
Waxa arrinkaasi uu si weyn kaga careysiiyay xubno ay kamid yihiin Sheekh
Aaden Madoobe iyo Cabdullahi Yuusuf oo sheegay in xiligan
aysan u baahneyn maamul ay sameystaan beelaha Hawiye madax banaan.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir aya u cadeeyay beelo dhawaan kulamo uu kula
qaatay Muqdisho hadi ay madaxweynaha mamul goboleedkaasi ka dhigaan in
goobaha Banaadir,Shabeelaha dhexe iyo shabeelaha Hoose dhaman ka saari
doono wixii Ciidamo Itoobiyaan ah.
Madaxweynaha dawladda Federaalka ayaa laga soo xigtay in uu ka yaaban
yahay dhaq dhaqaaqyada soconaya,kaasi oo max'ed Dheere ku doonayo in
maamul goboleed lamid ah kan Puntland iyo Somaliland uu ka hirgaliyo
gobolladaasi.
Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in lagu wado dhawaan Cabdullahi
Yuusuf kala hadlo Jen. Gabre in uu kulan ugu yeero Max'ed Dheere si uu
kaga dhaadhiciyo ka harida arintaasi ku aadan dhismaha maamul
goboleedka.
Maxamad Dheere ayaa u muuqda inuu fahmay in waxa laysu
heysto ama la barakicinayo ay yihiin dadkiisa isla markaasna la diidan
yahay inay midoobaan.
Cigonet.com
webmaster@cigonet.com |
|
|