ISBAHAYSIGA DIB U XOREYNTA SOOMAALIYEED
WARSAXAAFADEED KUSAABSAN XAALADAHA SII XUMAANAYA EE DALKA
ASMARA 3/10/2007
I. Gubidda
suuqa bakaaraha iyo is hortaaga dadaalkii wax looga qaban lahaa falkaas
cadawnimada ah waa qeyb ka mid ah falalka foosha xun ee shacbiga
soomaaliyeed lagula dagaalamayo noloshiisa iyo jiritaankiisa ee sida
joogtada ah ay u fulinayaan ciidamada gumeysiga Ethoipia iyo
dabadhilifyadooda . Ceeb kuma aha kuwii dadka guryaha ku dumiyey ,
hantidoodana boobay, maatidiina barakiciyey dabdeedna ka hor istaagay
biyo iyo baadba in la gaarsiiyo inay maanta dab geliyaan suuqii
Bakaaraha ee ugu weynaa ganacsiga Soomaaliyeed si loo xididdo
calaamadaha nolosha ee ka jiri kara caasimadda iyo dalka intiisa kale,
dhidibadana loogu aaso joogitaanka gumeysiga ee dalka Soomaaliyeed.
II. Ciidamada Ethiopia ee dalka lagu soo daadgureynayo, iyo kala
wareegidda hubka maleeshiyaadkii dabadhilifka u ahaa, iyo qorshaha
ciidamda Ethiopia ku qabsanayaan goobo xasaasi ah oo caasimada ka mid ah
iyo isu diyaarinta xooga leh ee ay ku doonayaan inay safka hore isi soo
dhigaan, waa marxaladii xigtay ee lagu doonayo in dib loogu gumaado
intii ka badbaaday xasuuqii lagula kacay shacabka soomaaliyeed horaantii
qabsashada dalka.
Mar ha ddii uu
arrinku sidaas yahayna micno ay leedahay ma garanynayno joogitaanka
ciidamo lagu sheego in loo keenay ilaalinta nabadda sida kuwa Uganda ee
hadda muqdisho ku sugan, waana markhaati ma doonto fashilka kuwii ku
andacoonayey inay dalka wax ka yihiin
III. Isbahaysigu isagoo ka duulaya xaqaa'iqdaasi jirta waxa uu ka
digayaa cawaaqib xumada ka dhalan karta baabi'inta iyo xasuuqa lala
damacsan yahay mar kale in loo geysto shacbiga Soomaaliyeed iyadoo aan
wax la iska weydiinin kuwii hore u dhacay iyo kuwa haatan taaganba.
IV. Isbahaysigu waxa uu ugu baaqayaa dalalka caalamka ee nabadda jecel,
ururada goboleed iyo kuwa dawliga ah inay gutaan masuuliyadda ka saaran
badbaadinta shacbka Soomaaliyeed ee lagu gumaadayo aaladda cadawga dalka
ku soo duulay ee ka madax adeygay in uu dhawro dhamman sharuucda
caalamka ee madax banaanida iyo dhawridda xaquuqda aadanaha.
V. Isbahaysigu
waxa uu sidoo kale ku boorinayaa bulshada Soomaalieed qeybaheeda kala
duwan inay iscaawiyaan una gargaaraan walaalahooda tabaaleysan. Sidoo
kale waxa uu ugu baaqayaa hay'adaha samafalka ee goboleed iyo kuwa
dawliga ahba inay taakuleeyaan shacabka soomaaliyeed ee sida joogtada ah
loogala dagaalamayo nolosha iyo jiritaanka.
VI. Isbahaysiga waxa uu bulshada Soomaaliyeed uga digayaa colaadaha sida
qorsheysan looga dhex hurinayo ee ay ka dambeeyaan ciidamada Ethiopia
iyo dabadhilifyadooda kuwaas oo ujeedada ka dambeysa ay tahay in indhaha
caalamka lagaga sii jeediyo dambiyada lagula kacayo shacabka
Soomaaliyeed. Wuxuuna Isbahaysigu Culumaa'udiinka, Ugaasyada, Boqorada,
iyo Odayaasha dhaqanka ugu baaqayaa inay kaalintoodii hormuudnimo ka
qaataan daminta colaadahaas, bulshadana uga digaan colaadda iyo
dagaalada sokeeye kuwaas oo cidda keliya ee ka faa'iideysa ay tahay
cadwga soo jireenka ah ee ummadda Soomaaliyeed.
VII. Ugu
dambeyntii Isbahaysigu wuxuu bulshada Soomaaliyeed ugu yeerayaa inay
midnimadooda adkeeyaan, cadawga ku soo duulayna meel uga soo wada
jeestaan naf iyo maalna uga qeybqaataan muqaawamada barakeysan si ay u
difaadaan diintooda, dadkooda iyo dalkoodaba.
Xil suleymaan
Colaad Rooble
Somali barlamantr
2917159380 asmara Eretry