Dr.Cumar
Raabi Oo Muxaadaro Cinwaankeedu Yahay Istiraatiijiyada Itoobiya Ee Ku
Wajahan Soomaaliya Ka Jeediyey Magaalada Dimishiq
Muxaadaro
Cinwaan keedu ahaa Istiraatiijiyadda Itoobiye ee ku wajahan Soomaaliya
ayaa waxa habeenimadii bisha ogosto ahayd 2 ka jeediyey xarunta Naadiga
Al-nasar ee ku taala magaalada Dimshiq Dr. Cumar Raabi oo isagu ah aqoon
yahay Soomaaliyeed oo muddooyinkanba Booqasho hawleed ku joogay dalka
Suuriya.
Muxaadaradan
ayaa waxa uu Dr.Raabi ku soo bandhigay barnaamij uu kaga waramayo
isbadeladii kala duwanaa ee uu soo maray loolanka u dhaxeeya Itoobiya
iyo Soomaaliya isaga oo adeegsanaya qaab casriya oo uu ku soo bandhigay
khariirado iyo Maps uu kaga waramayo sida ay isu badashay Itoobiya dhul
ahaan iyo dad ahaanba sanadihii u dhaxeeyey 1867-2007.

Dr. Raabi
waxa uu si guud u dulmaray halka ay ka soo bilaabmatay Boqortooyadii
Abasiiniya, isaga oo tilmaamay in markii hore ay Amxaarada iyo tegreegu
ku jeedeen dhinaca Suudaan iyo afrikada dhexe hasa yeeshee mar qudha uu
Boqorkii mililik la odhan jiray dib ugu soo jiheeyey dhinaca xeebaha
shucuubta Islaam ka ahi degenaayeen,waxa ayna u soo fideen si talaabo
talaabo ah iyaga oo marka hore soo qabsaday dhulkii
oromada,Herer,Somalida iyo shucuubtii kale ee deganayd dhulkaasi.
Waxa kale oo
ku soo qaatay muxaadaradan sida ay markasta u fulinayeen
Istiraatiijiyadii dhulbalaadhsiga hogaamiyayaashii Absiiniya laga soo
bilaabo, mililik,Hayla-salaase Mingiste hayl-maryaam iyo Maanta oo uu
yidhi Dr. Raabi waxaad moodaa in riyadii Xeebaha ee ahayd mar uu in ay
gaadhaan Itoobiyaanku in uu fuliyey milis Zinawe ,oo ay maanta xeebaha
badweynta Hindiya Ciidamadii Tigraygu gacanta ku hayaan, waxaa taas
cadaynaysa ayuu yidhi DR.Raabi in ay marqudha ku taamayeen in ay gacanta
ku dhigaan xeebaha Soomaaliya warqadii uu mililik u diray dawladaha reer
yurub ee markaas u shirayey sidii ay u qaybsan lahaayeen qaarada
afrika,1884kii isaga oo ka codsaday in gacanta loo soo galiyo Soomaalida
iyo Eretariya, isaga oo sheegtay in xeebaha geeska afrika iyagu hore u
lahaayeenm, Hasa yeeshee Dad muslim ahi ka qabsadeen.
Taas oo
markii danbe dhalisay ayuu yidhi DR. Raabi in Itoobiya gacanta loo
galiyo Soomaali galbeed iyo Eretariya, waxa kale oo uu sheegay in ay
Itoobiya maanta dhulka soomaalida ciidamo u soo dirto ay fursadaas
siiyeen shacabka soomaaliyeed oo qabyaalad iyo jahli kala qo-qobay,
iyaguna ay cadowga isu jabiyeen waa sida uu hadalka u dhigay Dr.
Raabiye.
Wuxuuna
intaas ku daray in aanay Amxaaro iyo tegray kala jeclayn Soomaalida ee
ay iyaga hore hubka isugu dhiibtay markii ay heshay kuwo wadankooda
cadow ku soo hagaamiyaha ,iyaguna is gumaada
Muxaadaradan
oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u tiro badan oo isugu jiray
bulshada Reer Dimishiq, iyo qurba joog badan oo ka soo xagaa baxay
dalalka Yurub iyo ameeriga una badan qurba joogta ka soo kicitintay
Sweden iyo Norwey ayaa waxa ka mid ahaa Xasan Cabdi C/laahi, Maxmed Oos
iyo C/laahi Shiikh Maxmuud.
Muxaadarada
Ka dib ayaa waxa su’aalo laga weydiiyey Dr.Raabi sida dalka soomaaliya
qarannimadiisii loogu soo celin lahaa, waxa uu sheegay in manta Soomaali
meel ay joogtaba iskaashadaan oo ay wadankoodii sidii ay dib
qarannimadiisa ugu soo celin lahaayeen gacanta isu qabsadaan, isaga oo
hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey in aanay Somali isdhiibin, meel ay
itoobiya gasho sida ay uga baxdaa adagtahay..
Dr. Raabi
waxa uu dhashay sanadkii 1946kii , waxa uu waxbarshadiisa ku soo qaatay
dalalka faransiiska iyo jabuuti ,waxa uuna ka soo qayb qaatay jabhadii
xoraynta xeebta Somaalida, waxaana dhawr jeer lagu xidhay dalalka
jabuuti,Faransiiska iyo Somaliya, buugiisii ugu horeeyey waxa uu qoray
sanadkii 1983kii, buugiisa ugu caansan waxa la yidhaahdaa Soomaalaay
halkee baad Ku socotaan, kaas oo uu qoray sanadkii 1989kii ,waxa una
buugaas ku soo bandhigay ama uu ahaa daraasad ka warbixinaysa halka ay
soomaali u iilan doonto haddaan ladaba qaban, kaas oo uu sawiro badan oo
leh khariirado ku soo bandhigay,sanadihii ugu danbeeyey DR. waxa uu ku
nolaa dalka Canada.


Asad Caddaani Ibraahim
Dimishiq Suuriya
asadlaska@hotmail.com
Cigonet.com
webmaster@cigonet.com