Waxaa
weli ilxumi la soo toosi waayay taageerayaashii Geedi ku
taageeri jiray indha la'an, waxaanse aniga iyo in faro badan
ka quusanay xiligii uu siyaasada la soo galay been iyo daba
dhucleeynta Maquuste iyo Ethiopia, waxaan qoray maqaalo faro
badan oo aan umada ugu sheegayo in Geedi uusan aheeyn nin
wadani ah, kana tarjumi karin darajada uu wato, waxaan
dhahay Gar kuuma taal Goof abkaa guri amxaar ku
faagwareeg, waxaase xiligaan ka sii foolxun in
M.dheere uu wado gumaadka reer Muqdisho alow sahal umuuraha.
Hadddii ninkii proff
ahaa garaadkiisa uu noqday in uu dalka keena Ethiopia luguna
gumaaday shacabkii Hawiye ee xamar ku dhaqanaa maxaad
fileeysaa kan aan aqoonta laheeyn ee xooga ku jira anan kala
reeban karin in uu u qabto reer Muqdisho wax uun waa gumaad.
Waxaase ka sii daran labada nin waa isku jufo ilaah ugu
gargaaray wax walba, waxaa eey noqdeen jufada kaliya ee
heshay xildhibaan r/wasaare wasiiro,waxaa eey lahaayeen
dekeda ceelmacaan iyo mida ceel-cade, gobolka sh/dhexe ayeey
ka talin jireen, waxaa ilaah ka dhaladsiiyay Iimaanka reerka
arinku xagee ka qaldan yahay...........????????? ma
aqoondaraa jirta mise habaar ayaa reerka ku dhacay...........???????
arimaas oo dhan dhawaan ayaan soo bandhigayaa haddii ilaah
idmo.
Haddii aan u noqdo
Maquuste waxa u ka qanimeeystay Geedi runtii cidna kama
qarsoona,Geedi waxaa laga qaatay in ku dhaw 60 gaarida
tiknikada loo yaqaan iyo in ka badan 200 qori dagaalka oo
eey wateen ciidamada qaaska u ahaa Geedi,waxaa intaas sii
dheer in ciidamadii Geedi ilaada u ahaa in lagu amray in
madax laga xiiro dabeedaeedna loo gudbiyo xirada Manaas si
loogu dhaqan celiyo,weli waxaa socda firxadkii cidamadaa oo
qaarkood eey soo gaareen xamar,waxaase ugu foolxumeed markii
Maquste uu aad iyo aad ugu bahdilay fadhiga barlaamka
xiligii Geedi uu is casilaayay:
War mee ragii la
socday Geedi oo iga soo horjeeday,Mee Maxed Qanyare Afrax ,mee
Muuse Yalaxow,mee Caato,mee ninkii timaha cadaa ee c/sheekh
ismaaciil....runtii waxaa eey aheeyd bahdilidii ugu foosha
xumeed ee taariikhda somali laga qoro qarnigaan aan ku jirno.
Geedi waxaa uu danbi
ka galay ilaaladii daba joogtay 3da sanno ee uu ahaa r/wasaare dhibkana
uu kaga soo gaaray ilaalinta Geedi, waxaa uu qalday odoyada
Hawiye iyo heshiiskii uu la galay,waxaa uu maro habaabiyay
126 xildhibaan oo eey isku fikir ahaayeen maantase Maquuste
laga filaayo in uu mudankooda mariyo,haddii eey difaaceeyeen
sharciga iyo dastuurka dhaaquudka maxaa sabbabay in uu uga
baxo balankii eey wada galeen, Geedi waxaa uu qalday dad
faro badan oo 2 isbuuc ee ugu danbeeyay u arkay in uu
xaqiisa soo dhacsanaayo kuna socdo dariiqii saxda ahaa,waxaa
uu qalday xaaji abuukar Cumar Cadaan oo uu ku soo booqday
dalka Jabuuti intaba waxaa eey noqdeen kuwa taariikhda gala
si fududna aanan lagu iloobi karin, Alow sahal umuuraha.
Websidka
Abqaarow.com oo ah
webka Tigreega ee afka somaliga ku hadla ayaa waxaa uu qori
jiray xiligii Geedi uu ahaa r/wasaare erayo runtii umada
soomaliyeed eey aad ugu xumaato waayo kuwa aan aduunka
karaamo ku laheeyn (Geedi iyo Maquuste) ayeey dhihi jireen
xafidu-laahu iwm,maantase waxaa eey qorayaan in Geedi uu
yahay dagaal ooge guracan,waxaan qaadan waayay
xafiduhu-laahu iyo dagaal ooge, sida oo kale waxaa eey aad u
taageeraan Maquuste kuna tilmaamaan xafidu-laahu iwm waxaase
isweeydiintu eey tahay ma laga yaabaa haddii Maquuste laga
ceeyriyo xilika in eey dhihi doonaan dagaal ooge ....maxaa
diiday adba ka jawaab akhristo, waayo webkani waxaa leh
Tigree ku hadasha afka soomaliga,waxaad halkaas ka garan
kartaa in marka laguugu shaqeeysto lagaa yeeli karo wax
walba.Alow sahal umuuraha.
Geedi
Goofkina Waa Gadatay Guulwade
M.Dheere Weli Waa
Gumaadaa