•  

Wararka Maanta

Ciyaarihii Fududaa Ee EuroSom Oo Socda

 

Ciyaarihii kala duwanaa EuroSom ay dhalinyaradda ugu tala gashay ayaa waxaa ay weli kasocdaan magaalada Helsinki, ciyaarahaas ayaa waxaa ka mid ahaa ciyaaraha fudud oo maanta laqabtay.

Ciyaarahan ayaa ah kuwo dhalinyarada kala duwan lagu dhiiri gelinayo, laguna ogaanayo dhalin kasta meesha ay ku fiican yihiin.

Ciyaarihii fududaa ee maanta dhacay ayaa waxaa loo kala guulaystay sida soo socota.


Ciyaalka da'da 4-5 jir ayaa waxaa ay ku baratameen 50 m waxaana guulaystay kaalinta koowaad Abdulrahman ,tanlabaad Abdulahi, tan sedexaad Dahabo. Gabdhaha 8-9 jirada ee 100 m waxaa ku guulaystey kaalinta koowaad Halima Bashir Abdi, kaalinta labaad Amaal, kaalinta sedaax Anisa. Wiilasha 8-9 waxaa ku guulaystey kalinta koowaad M.Deeq,kaalinta labaad Abdulqadir, kaalinta sedexaad Hamsa Bulhan. da'da 9-10 ayaa waxaa wacdaro ka muujiyey Liibaan oo kalinta koowaad galay, halka uu kaalinta labaad ka galay Qaalid kaalinta sedexaadna Abdiwaaxid cismaan. waxaa haddana dhalintan yar yar ugu danbeyntii ay ku barateem da'da 11-12 waxaa halkaasna kaalinta koowaad ku galay Liibaan oo horeyna bilad u heystey kaalinta labaadna Abdulqadir, kaalinta sedexaadna Abdiwaaxid Cismaan oo isna mar kale kaalinta sexaad galay.

 

 

 

 


Waxaa ka dib lagalay dhalinta waa weeyn ee da'doodu u dhexayso 16-22 jirada oo iyagana ku dhamaaday si habsami leh, sidoo kale waxaa iyagana wada tartamay 22 jir wixii ka weyn.

 




MACALIMIINTA CUMAR ANYEELO IYO BAANA OO SOO GAARAY HELSINKI KA DIB MARKII AY CASUMAAD KA HELEEN GUDIGA QABANQAABADDA.

Waxaa maanta soo gaaray Helsinki laba macalin Basket oo lagu marti qaadey ciyaaraha Helsinki, macalimiintan ayaa waxaa lagu soo dhaweeye Helsinki ka dibna waxaa ay maanta ka qaybgeleen daawasho ciyaarihii fududaa ee lagu qabatay Helsinki.


 

 

 

 

Waxaa soo diyaariyey
Abdiaziz Godah

agodah@hotmail.com

 

Cigonet.com

webmaster@cigonet.com