Waxaa waddanka Sweden magaaladiisa katrineholm ka dhacey shir si aad u farsamo wanaagsan loo soo abaabulay oo looga hadlay hurumarinta deegaanka Galcad iyo magaalooyinka hoos yimaadda Daawo Sawirada. 27.july.2008
Sunday, 07.27.2008, 09:22pm (GMT+3)

 
Shirkaas oo ah shir muddo 3 maalmood ah soconayey, loogana kala yimid aduunyada dacaladiisa ayaa wuxuu ku dhamaadey guul . Shirkaas ayaa waxaa  laga dhegeystay warbixinno kala duwan oo ku saabsan hurumarinta degaankaas oo ilaa hadda carrigaas ka hirgalay iyo waxyaabaha in waqtiyada soo socda ilaga hergeliyo loo baahan yahey.
 
Warbixinada ayaa ku saabsanaa dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo siyaasadda ee deegaankaas quseeya. Shirkaas ayaa waxaa lagu magacaabay guddoomiyaha Jaaliyadaha Dibadda ee dadka degaanadaa kasoo jeeda isla markaana dibadaha oo dhan ku kala nool, kaasoo loo doortay mudane profesor:
 
Maxamed Xaaji Ali. Shirkaas oo 4-ta dacal ee adduunka looga kala yimid ayaa maanta lasoo gebagebeeyey. Waxaana shir khadka taleefanka kusoo gebagebeeyey Shiiqa beesha Galigaaf oo go'aanadii kasoo baxey u halkaas ku ansixiyey kuna aqbalay. Intii shirkaas socdey waxaa nagala soo qeyb galey howlwadeeno ka socda wadanka Sweden kana socda dhinaca waxbarashada waxeyna ku farxeen dadaalka ay jaaliyada muujisey waxeyna balan qaadeen in ay taakuleen dhinac walba diyaar la yihiin.
Waxaa kaloo jaaliyada ay muujisey in daris wanaag la muujiyo lalana shaqeeyo wixii horumarinta deegaankaas ka shaqeynaya iyo ehelooyinka kale ee nala degan.  Shirka waxaa goobjoog ka  ahaa wufuud teradoodu ey 70 qofood gaareysay.
 
Shiiqa ayaa duco uu ummadda degaanka, gobolka, dalka iyo muslimiintaba kusoo gebagebeeyey. Waxaana gebagebadii kadib jaaliyadda u yimid walaalahooda waceysle, muddulood oo iyagana wixii shirka kasoo baxey iyo is-ajiibkii la gaarey halkaa loogu gudbiyey.
 
 
Abdirahman sh.xasan(Timos)  timos@hotmail.com

 

Xafiiska Warqabadka Xoghaye Media Center Sweden