Guji sawirka si aad u weyayso

 

 

 

 

Xaflada Lagu Weyneynaayo Munaasabadda Maalinta

15ka May oo lagu qabtay wadanka Finland.

 

 

 

Dadka Somaliyeed waxa ku weyn xuska Maalinta dhalinyaradda Somaliyeed ee 15-May waana Maalinta la aasaasay Ururkii Dhalinyaradda Somaliyeed ee SYL kaasi oo ahaa midkii dhaliyey xoriyadda Maanta ay Somalida ku faanaan, iyaddoo Maanta taasi laga wada dareemayo xuskeeda Maalkasta oo Somalia ka mid ah ama ay Somali ku nooshahay,

Hadaba iyadoo laga anbaqaadaayo taariikhdii wanaagsaneyd oo ay shacabka soomaaliayeed u horseedeen 13 kii SYL aas aastey. kaas oo halgan lama ilaabaan ah usoo galey xornimada dalka manta aan haysano

 

 

 

hadaba ururka layiraahdo Farmajo ry ayaa wuxuu koob u dhigay dhalin-yaro da, yar  iyo kuwa da,waa-weynba oo ku-nool wadanka Finland qaasatan magalaada Vantaa ee xaafada Koivukylä,

koobkan oo ahaa mid loogu magacdaray maalintii dhalinyarada soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qeeb galay 4 kooxood oo ka dhisan magaalada Vantaa ee wadanka Finland, kooxa-haas oo lakala yiraahdo kooxda Myyrmäki iyo kooxda Koivukylä oo ahaa ayaggu qeybtii waa-weyneed,waxeyna guushu ku raacday garoonkii weynaa ee Koivukalan  kooxdii Myyrmäki.  sikastaba ha ahaatee waxaa kulankan qudbad dheer ka jeediyay Ingineer Abdirahman mohamed farah.  ingineerka oo badanaa qudbadiisii ay ku saabsaneed waxtarkii tayada-lahaa ee ururkii SYL, wuxuu kaloo ka-hadlay xaalada uu maanta wadanka ku sugan yahay. asagoo ku tilmaamay xaalad murugeysan,

waxaa kaloo asna goobtii ey cayaaraha ka dhaceysay ka hadlay HASSAN OSMAN ABUKAR

oo loo yaqaano (Caruuska) Hasan oo ka warbixiyay doorkii ey ka cayaareen 13 dhalinyaro xoriyadda eynu haysano maanta,wuxuuna sheegay in ey tahay door taariikh ah, si kastaba ha ahaatee waxaa ka dhacday garoonkii kubada cagta ee Koivukylä cayaar aad u xiisad badneyd oo dhax-martay kooxihii loo dhigay koobkii SYL.

qaban qaabi-yaashii koobkan loogu magacdarey maaalintii SYL ayaa waxaa ka mid ahaa

ingineer Bashiir Ibraahim Roble iyo Osman Hassan oo loo yaqaan (karooska)

iyo Abdiqadir Jamac  oo  ku magacdheer (Camow)  iyo Mahamed osman asna loo yaqaan (Abuu)

iyo dadyow faraban oo halkan aan ku soo koobi karin,

diyaariye,: abdishakuur moalin ahmed    

 

 

 

 

 

 

 

   

 

cigonet.com.

 

 

 

 

webmaster@cigonet.com