|
Dhaqaatiir maraykan ah oo booqasho ku
tegay isbitaal cusub oo dhawaan laga hirgeliyay degmada Galcad.
Wefdigaan oo ka koobnaa laba dhaqtar iyo qaar kamida jaaliyada
reer Galcad oo ku nool maraykanka yaa soo gaaray magaalada Galcad
si ay ugu kuur galaan
adeegyada caafimaad ee ka jira dagmada Galcad
iyo tuulooyinka hoos yimaada iyagoo gaaray ilaa xeebta cigo.

Isbitaalka degmada Galcad oo la dhameystiray
Gudoomiyada degmada Galcad Cabdirahmaan Maxamuud
Yabaroow oo la kulmay dhaqaatiirtan ayaa uga warbexiyay xaalada
caafimaad ee ka jirta degmada iyo toolooyinka hoos taga. Sidoo kale
waxaa ka soo qeyb galay Sheek Caamir sheekh Ibraahim. Warbixin ku
saabtan heerka wax barashada ee degmada oo laga soo jeediyay ayaa lagu
sheegay qaabkii loo taageeri lahaa waxbarashada degmada oo u baahan in
la horuumariyo.
Waxaa aad loo amaanay amaanka ka jira degmada
tasoo ay suura gelisay maamulka iyo dadka degaanka oo is kaashaday.

Howlwadeena iyo masuuliyiinta degmada Galcad oo jooga
Isbitaalka

Gudoomiyaha degmada Cabdirahmaan oo warbixin
siinaya mid kamida dhaqaatiirta.

Ardayda dhigata dugsiga hoose ee Galcad oo
qaadanaya cashar.







cigonet.com.
|